DIL KA DHACAY DEG.C/WAAQ EE GOBOLKA GALGADUUD.

(SAWIRKA)-AUN-QOOLEEY.

(DH/MAREEB/GM)-Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu degmooyinka maamulkaasi u magacaabay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasi oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Xisbiga JSP ayaa maanta u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Galmudug Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu u magacaabay Mahad Cali Axmed inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Galmudug Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay waxba kama jiraan, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada ururada siyaasadda. “Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda. Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka waaberigii halkaas lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdi Ciise Qooleey, oo ahaa aqoonyahan iyo odey bulshada aad looga yaqaanay. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay ku weerareen marxuumka xilli uu ka soo baxay salaadda Subax, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta ka baxsaday. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, weerarka kadib marxuumka ayaa goobta laga qaaday. Wararka  ayaa intaas ku daraya in dilka uu la xiriirayo aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo sababtay xiisad soo kordheysa oo u dhaxeysa beelo halkaas wada dega. Dilka Cabdi Ciise Qooley ayaa qeyb ka noqonaya kordhinta dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka ee kusoo badanaya deegaanada maamulka Galmudug, halkaas oo weli madaxda maamulka aanay ka hadlin kiisas dhowaan dhacay oo la mid ah. Ehelada marxuumka iyo bulshada deegaanka ayaa ka naxay falkaas, iyagoo ugu baaqay dowladda iyo maamulka Galmudug in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dilalka joogtada ah. Wararka ka imaanaya Caabudwaaq ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan, balse weli lama soo sheegin cid loo qabtay falkaasi.

XIGASHO-GALMUDUG.

Previous
Previous

DALKA GUINEA BISSAU OO LAGA MAMNUUCAY ISU SOO BAXA.

Next
Next

SOOMALILAND OO XABISIGA DHIGTAY SIYAASI JAAMAC SHABEEL.