SOOMAALIYA OO XAYIRAADII KA QAADAY BAASBOORKA TAIWAN,SABABTA?
(SAWIRKA TROY FITRELL.
(WASHINGTON)-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ey ka noqotay xayiraaddii ey kusoo rogtay Baasaboorka Taiwan, taasoo hor istaagtay safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ku tegi lahaa Somaliland. Troy Fitrell, oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo dhawaan hortagay Golaha Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ey ka noqotay Amarkii Xayiraadda Baasboorka Taiwan.
"Waan ku faraxsanahay in Dowladda Soomaaliya ey ka noqotay Amarkii Xayiraadda, isla markaana ey billowday iney mar kale ixtiraamto Baasaboorka Taiwan," ayuu yiri Fitrell. Waxa uu intaas ku daray in waddan kasta oo farageliya xiriirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu dirayo fariin ah in aanu dooneyn inuu la macaamilo dunida xorta ah, isla markaana aanu rabin inuu Maraykanka la yeesho xiriir wax ku ool ah. Waxa uu sidoo kale digniin u diray waddan kasta oo faragelin ku sameeya Taiwan, isagoo sheegay in arrintaasi khatar galin karto xiriirka uu waddankaasi la leeyahay Washington. "Taiwan waa xubin masuul ah oo ka tirsan beesha caalamka, sidaa darteed xiriirkeedu waa mid muhiim ah. Waxaa jira waddamo Shiinaha u habranaya oo Taiwan dhibaataynaya. Sida ey Taiwan ula dhaqmaan waxay noo diraysa fariin sheegaysa ineysan wax tar u lahayn dunida xorta ah," ayuu yiri Fitrell. "Waxa ey sidoo kale su’aal gelinayaan xiriirka ey nala leeyihiin anaga," ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in taageerada Shiinaha ee Soomaaliya ey si toos ah ugu gudubto kooxo kasoo horjeeda Somaliland oo ey ku tilmaameen iney tahay saaxiib uu Maraykanka, Reer Galbeedka, iyo Israa’iil ku leeyihiin Geeska Afrika. Xildhibaanada ayaa masuulka weydiiyay waxa uga meel yaalla in Maraykanku uu xiriir toos ah la yeesho Somaliland, iyagoo sheegay in arrintaasi muhiim u tahay ka hortagga is-ballaadhinta Shiinaha ee gobolka. Firtell ayaa sheegay iney la shaqaynayaan cid kasta oo diyaar u ah iney la macaamisho dunida xorta ah. Isla markii xayiraadda la saaray Baasaboorka Taiwan, qaar ka mid ah xildhibaanada Kongress-ka ayaa ku hanjabay in Soomaaliya ey ka tanaasushay xiriirkii ey la lahayd Maraykanka. Diblumaasiyiin ka ag dhow maamulka Trump ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Ilaalinta Taiwan (Taipei Act), oo la meel mariyay sannadkii 2020, uu qaban doono Soomaaliya, taas oo keeni karta cadaadis kaga yimaada Washington. Shiinaha ayaa dhankiisa soo dhaweeyay xayiraadda Baasaboorka Taiwan, halka Taiwan ey iyaduna xayiraad kusoo rogtay Baasaboorka Soomaaliya, taas oo ahayd jawaab celin. Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wada dadaallo ey ku hor istaagayaan xiriirka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland oo bilowday sannadkii 2020, maadaama labaduba ey qabaan in Hargeysa iyo Taipei ay hoos tagaan Muqdisho iyo Beijing. Maraykanka malaga yaabaa inuu isagana Xayiraada ka qaado Soomaalida soo geleysa dalkiisa,mar haddii heshiis ey ka gaareen arrintii Taiwan?
ISHA-HIIRAAN ONLINE.