MW-XASAN SHEEKH OO MEEL SAARAY MUCAARADKIISA.
(SAWIRKA)-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO)-Sida inteyna badan la socoto waxaa magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya looga dhawaaqay isbahaysi mucaarad ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya,isbahaysiga ayaa loo bixiyey magaca ah “MADASHA SAMATABIXINTA SOOMAALIYA” waxaane Madax u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Madashaan ayaa ka kooban ilaa 13-xubnood oo ey ku jiraan Reysal Wasaareyaal hore iyo masuuliyiin kale oo xilal ka soo qabtay dalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka DFS ayaa cagajiid ka muujiyey shirka dhacaayo 15-ka bishaan Juun kaaso uu dhawaan ku dhawaaqay Madxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Kooxdaan waa xubnihii dhawaan Xamar isugu tegay lana magac baxay Madasha Samata bixinta,diidmadooda shirka ayaa lagu soo koobay iney tahay laba Qodob: (1)-Ajanda Shirka waxa uu yahay. (2)-Dadka lagu casuumay shirka kuwa ey yihiin. Xubnaha Mucaaradka DFS waxa ey rabaan in 13-koodii Xubnood iyo MW-Farmajo oo kaliyah in lagu casuumo shirka waayo intoodaas ayey u yaqaanaan Mucaarad ama Siyaasiyiinta, dadka la casuumay ee Madasha Shariifku Madaxda ka yahay ey diidan tahay waxaa ka mid ah:(1)-Reysal Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Md.Cali Maxamed Geedi iyo Md.C/weli Sheekh Axmed. (2)-Madaxweynayaashii hore ee dawlad Goboleedyada Galmudug C/karim Guuleed iyo H/shabeele Maxamed Cabdi Waare iyo xubno kale. Waxaa halkaan laga dheehan karaa in Soomaaliya Mucaaradka iyo Muxaafidka iney leeyihiin dhaqan Kalitalisnimo ah kaaso sawir hordhac ah ka siineysa ineysan waxba is dhaamin siyaasiyiinta gudaha ku jira iyo kuwa banaanka jooga. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ma ogola inuu nala hadlo iyo markii uu wada hadalkii aqbalay hadane inagaa u yeerineyna dadka uu casuumaayo, waa arrin dad badan aragti jahwareer ah ka siineysa Mucaaradka DFS. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxa uu shirka 15-ka bishaan Juun ku casuumay:(1)-Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya. (2)-Reysal Wasaarayaashii hore iyo ku Xigeenadooda ee Soomaaliya.(3)-Gudoomiyeyaasha Baarlamaankii hore iyo ku Xigeenadooda iyo Madaxdii hore ee Maamul Goboleedyada. Haddii laga hadlaayo horweyn Siyaasadeed ama la aaminsan yahay inuu caqli Siyaasi ah ku haray kooxaha isku haayo Siyaasadda Soomaaliya, Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxa uu markaan u muuqdaa inuu casuumay intii Soomaali ugu daraja sareeysay waqtigaan Siyaasad ahaan. Sidoo kale,casuumadda Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxaa ka muuqata inuu waafajiyey hanaanka ey Soomalidu haatan wax ku qeybsato ee ah (4.5),waxay kalo DFS mudeysay shir gaar ah oo u dhexeeyo DFS iyo Dawlad Goboleedyada hoos yimaado DFS, kaaso dhici doono 22-ka bishaan Juun. In Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu si gaar ah u casuumo maamul Goboleedyada ayaa Mucaaradka ka dishay doodii ahayd maamul Goboleedyada hala casuumo. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS Md.Cabdi Aden Hoosaw ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xubno kooban oo Mucaarad ah iney isku dayaan iney sheegtaan lahaanshaha Mucaaradnimada. Wasiir Hoosaw ayaa yiri”Dalka Xukunkiisa ayaa leysu doortaa ee Mucaaradnimadiisa la isuma doorto”,isagoo hoosta ka xariiqay inaaney jirin cid bixisa SHATIGA Mucaaradnimada. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa dad siyaasiyiin ah la kumay sidaas awgeed wada hadalka waan ka bexeynaa oo ah dhaqan ey haatan wadaan Mucaaradka Qaarkood ayuu Wasiir Hoosaw ku tilmaamay Masuuliyad darro iyo dhaqan ugub ah oo ey Mucaaradnimada naftigeeda dad gaar ah rabaan iney ku yeeshaan. Dooda Mucaaradka qaarkood ee ah diidamada isla Mucaarad kale ayaa MW-dr.Xasan Sheekh siin karta wejiyo cusub oo ku aragti ah,waxayne dhinaca kale ka debcin kartaa culeyska Beesha Caalamka oo haatan fahmi doonto cidda diidan wada hadalka iyo in xal waara laga gaaro qadiyaddaha waa weyn ee yaala dalka iyadoo Soomaali u dhan tahay Siyaasi ahaan iyo Qabiil ahaan.
ISHA-WAKAALADO.