MADAXA AFRICOM GEN.MICHAEL LANGLEY OO LA HADLAY MADAXDA Q.AFRIKA KUNA…
(SAWIRKA)-GEN.MICHAELLANGLEY.
(WASHINGTON)-Afrika waa iney si weyn ula wareegto caqabadaha amnigooda. Taasi waxay ahayd fariinta uu dhawaan soo gudbiyay Gen. Michael Langley, oo ah Madaxa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (USA-AFRICOM). Unuggu waa qayb ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka,waxayna mas’uul ka yihiin dhammaan hawlgallada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo iskaashiga Amniga ee Qaaradda Afrika. Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maraykanku uu dib u eegayo istaraatiijiyaddiisa milatari ee Afrika, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid habka uu u wajahayo Ammaanka qaaradda Afrika. Dib-u-habayntani waxay la socotaa Istiraatijiyada ballaaran oo hoos timaada maamulka Trump kaasoo mudnaan siinaya Amniga dalka iyo awood millatari oo jilicsan, iyada oo la dhimayo raadadka millatariga Mareykanka ee dibedda, oo ey ku jirto Afrika. Laakiin maxay uga dhigan tahay qaaradda?
KHUSEYNTA AFRIKA EE CAALAMKA.
Afrika waxay si istiraatiji ah muhiim ugu tahay Yurub iyo Maraykanka dadkeeda sii kordhaya iyo kheyraadka dabiiciga ah ee baaxadda leh. "Afrika waa saaxib istiraatijiyad leh oo ey ku nool yihiin dhalinyaro badan oo sii kordheysa waxaa la saadaalinayaa iney labanlaabmi doonto 2045 sida uu qabo Muuqaalka Dhaqaalaha Afrika," Adib Saani, oo ah falanqeeye siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Amniga ayaa u sheegay DW. "Qaaraddu waa qani, waxayna haysataa kheyraad badan oo macdan ah iyo kayd istiraatijiyadeed sida Yuuraniyuum-ka oo dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Barigu ey aad ugu tiirsan yihiin." Qaaraddu waxay sidoo kale hooy u tahay 11 ka mid ah 20-ka waddan ee ugu kobaca dhaqaalaha badan adduunka sannadka 2024-ka. "Maraykanka iyo kuwa kaleba waxay la macaamilaan Afrika niyad wanaag kaliya ma aha ee sababtoo ah kheyraadkan ayaa muhiim u ah socodsiinta Warshadaha adduunka," ayuu yiri Saani. "Tani waxay ka dhigaysaa xiriirka mid faa'iido u leh - guul-ne u ah Afrika iyo adduunka intiisa kale." Si kastaba ha ahaatee, Istaraatiijiyada difaaca ee maamulka Trump ayaa ka weecday in Mareykanka laga ilaaliyo khataraha ka imaanaya dibadda, oo ey ku jiraan ka hortagga Ururada Argagixisada ah sida kooxda xagjirka ah ee “Dawladda Islaamka” (IS) iyo Al-Qaacida,kuwaasoo ballaariyey joogitaankooda iyo awooddooda Afrika. Markii hore, dadaallada militari ee Mareykanka ee Afrika ayaa isku darsaday Difaaca, Diblomaasiyadda, iyo Horumarka. "Maraykanku waxa uu ahaa saaxiib dhow oo ka hortagga Xagjirnimada rabshadaha wata, gaar ahaan Bariga iyo Galbeedka Afrika," Saani ayaa sharaxay. "Waxaan si aad ah ugu tiirsaneyn saadka, tababarka, iyo xog-wadaaga Mareykanka si aan wax uga qabanno khatarahaas. Dhanka ammaanka aadanaha, Mareykanka wuxuu sidoo kale gacan ka geystay USAID iyo barnaamijyo kale oo ka caawiyay dad badan inay ka saaraan faqriga." Taliyaha ciidamada Marines-ka Maraykanka Gen. Michael Langley ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee ciidamadu ey diiradda saarayaan ilaalinta dalka hooyo. Wuxuu taa beddelkeeda ku dhiirri-galiyay "la wadaaga culayska" la-hawlgalayaasha Afrika. Waxa uu sheegay in hadafku uu yahay in la dhiso awooda ciidamada deegaanka si loo suurtageliyo hawlgalada madax banaan, isla markaana loo yareeyo ku tiirsanaanta ciidamada Mareykanka. Isbeddelkan waxa uu soo shaac baxay intii lagu jiray tababrkii 25-aad ee Libaaxyada Afrikaanka ah ee wadajirka ah. Munaasabadan oo sanadle ah ayaa ah dhoolatuskii ugu weynaa ee ciidamada Qaarada Africa lagu qabto waxaana lagu nuuxnuuxsaday howlgalada cirka, dhulka iyo badda ee la isku daray oo ey ka qeyb galayaan in ka badan 40 wadan. Waxa ka maqnayd dadaaladii uu Maraykanku hormuudka ka ahaa ee sida caadiga ah u muuqda, taas beddelkeedna waxa ey diiradda saartay Wada shaqeyn iyo iskaashiga. Taariikh ahaan, Mareykanka ayaa kaalin weyn ka qaatay howlgallada lagu sugayo Ammaanka Qaaradda Afrika oo ey ku jirto Soomaaliya.
MAXAY LA MACNO TAHAY HOOS U DHIGISTA KU LUG LAHAANSHAHA MARAYKANKA?
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyaha Siyaasadda Arrimaha dibadda, Adib Saani ayaa ka digaya in joogitaanka Maraykanka oo yaraada ey abuuri karto awood maran, taasoo xoojinaysa shabakadaha xagjirka ah iyo iney wiiqdo dadaallada ka dhanka ah Argagixisada. "Haddii Maraykanku uu ka laabto taageeradiisa, waxay nagu dhufan lahayd si adag. Waxay ku dhiirri-gelin kartaa Argagixisada iney qaadaan weerarro bareer ah oo keeni kara dhimasho,iyadoo la og yahay inaysan jirin awood weyn oo naga taageerta dagaalkeenna. Tani waxay sidoo kale hoos u dhigi doontaa niyadda askarteena oo maalin walba la kulma khatarahaas, waxayna cadaadis dhaqaale oo weyn saaraysaa dalalka ey dhibaatadu saameysey." USAFRICOM waxay hadda hawl galisay ku dhawaad 6,500 oo shaqaale ah guud ahaan Afrika waxayna boqolaal milyan oo doolar ku maalgalisay gargaar xagga amniga ah. Marka taasi meesha ka baxdo, Saani wuxuu ka walaacsan yahay in Afrika aysan awoodi doonin iney si buuxda u madax bannaanaato marka ey timaado amniga: "Way adkaan doontaa marka la eego saadka iyo teknolojiyadda si fudud weli ma joogno. Amnigu waa mas'uuliyad la wadaago waxayna si fiican u shaqeysaa marka ey ku lug leedahay dhowr jilayaal. Fikradayda, Afrika ma sameyn karto kaligeed." Wadamada Afrika waxay u baahan doonaan iney raadiyaan xulafo kale kuwa cusub iyo kuwa horeba, ayey yiraahdeen khubarada. Shiinaha ayaa horey u bilaabay barnaamijyo tababar ciidan oo ballaaran oo loogu talagalay ciidamada Afrikaanka ah, iyaga oo ku celcelinaya qaababka militariga Mareykanka, halka calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ey iska dhigteen la-hawlgalayaasha Amniga ee Waqooyiga, Galbeedka, iyo Bartamaha Afrika. " Habka Shiinaha waagii hore wuxuu ahaa mid dhaqaale," Saani ayaa sharaxay. Maraykanku, ayuu ku tilmaamay, inuu ugu horayn diiradda saaray taageerada milatari, marka laga soo tago bixinta kaalmada dhaqaale. "Ruushku waxay leeyihiin joogitaan xooggan oo ey ku lug leeyihiin dhaqaale iyo ciidan labadaba. Waxay dareemeysaa in qof kastaa uu u tartamayo dareenka. Fariinta cad ayaa ah in loo baahan yahay in la kala saaro iskaashiga. Kuma tiirsanaan karno kaliya Maraykanka, waxaan sidoo kale u baahan karnaa inaan wax badan la galno Ruushka iyo kuwa kale."
KALI MA GUULEYSAN KARAA?
Dhawaaqa qaar ayaa sheegaya in la'aanta taageerada Mareykanka ey noqon karto baraarujin soo wajahda dalalka Afrika, taasoo ku qasbeysa iney ka fikiraan kheyraadkooda oo ey ka soo baxaan caqabado hor leh. Wadamada Afrika waa iney hadda ka faa'iideystaan fursadda ey dib ugu eegis ku sameynayaan kheyraadkooda amniga, ayuu yiri Saani, oo ey si dhow ula shaqeeyaan. "Dhisidda Warshadeena difaaca ayaa iyaduna ah mid muhiim ah. Tani waxay ka dhigan tahay horumarinta awoodda Warshadaha iyo kor u qaadista awoodda ciidamadeena," ayuu yiri falanqeeyaha. "Waxaan sidoo kale u baahanahay inaan wax ka qabanno musuq-maasuqa si aan u hubinno in dhaqaalaha eysan ku lumin jeebabka dadka laakiin taas bedelkeeda loo isticmaalo horumarinta nolosha dadka."