MUCAARADKA PUNTLAND OO SII XOOGEYSTAY,MAXAA SOO KORDHAY?

(SAWIRKA)-DR.SAALAX GUULEED.

(BOSASO)-Xubno kamid ah Golaha Isimada Dhaqanka Gobolka Bari ayaa maalintii shalay ku shiray degaanka CARTA oo ka tirsan degmada Carmo ee Gobolka Bari,Isimadda ayaa qaban-qaabinaya Shir weyne ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, oo ey doonayaan iney dhawaan qabtaan. Isimada Kulmay ayaa isla qaatay iney dhawaan isugu yimaadaan Shir ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, si wax laga isaga weydiiyo jihada xukuumadda Madaxweyne Deni ku waddo Mustaqbalka degaannada Puntland iyo Arrimaha Masiiriga ah ee taabanaya jiritaanka iyo Midnimada Soomaaliya. Shirkaan ayaa daba socda bayaan bishii hore ee May ee soo saareen Golaha Isimada Dhaqanka Gobolka Bari, kaasi oo ey Xukuumadda Siciid Deni uga digeen Afkaarta ku dhisan Gooni u Goosadka iyo kala goynta dalka Soomaaliya, oo ey riixayaan xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladdiisa.“Isimadu waxay ka digayaan in wax laga badalo Qaab dhismeedkii Axdi Qarameedkii lagu dhisay Puntland ee ahaa in lagu doono Dowlad Soomaaliyeed, iyo hishiiskii ahaa Dawlad Federal ah oo Xubin ka ah Dowlada Soomaaliyeed oo Federal ah, kooxaha abuuraya wixii intaa ka duwan sida, Gooni u goosad, Confederal, iyo wixii la mid ah waa iney ka waantoobaan” ayaa lagu yiri bayaankii hore ee Isimada Bari.Dhinaca kale, Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Deni iney joojiso cayda iyo jaa’ifaynta haldoorka iyo Siyaasiyiinta ka ra’yiga duwan ee dhaliilsan dowladda.“Waxaan ugu baaqaya mas’uuliyiinta dowladda iney aragti la yimaadaan oo dhaliilaha aan jeedino aragti ku beeniyaan, balse aysan cay iyo jaa’ifo kaga jawaabin wixii dhaliil ah ee loo jeediyo waayo?  Meeshay ka shaqaynayaan waa xafiis dowladeed oo umaddu lee dahay” ayuu yiri Dr. Guuleed Saalax. “Waxay gacanta ku hayaan waa shaqo umadeed, waxay biilanayaan waa xoolihii umadda Puntland, marka haddii la yiraahdo waxaas baa qaldan, waa in haddii ey been tahay beeniyaan, haddii ey jirtana iska saxaan oo hagaajiyaan, balse maaha iney cay iyo jaa’ifo kaga jawaabaan” ayuu sii raaciyay Guuleed. Dr. Guuleed Saalax oo maanta Garoowe loogu doortay Guddoomiyaha Gole Siyaasadeed oo ey ku midoobeen dhinacyo kala duwan oo aragti wadaag ah isuguna jira Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhallinyaro iyo Haween ayaa wuxu sidoo kale Xukuumadda Puntland uga digay iney ciddii ka ra’yi duwan ku shaabadayso kuwa meel laga soo diray.

ISHA-PUNTLANDPOST.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KU DHEGAN SHIRKADDA DP&WORLD EE IMAARAATKA,SABABTA?