SOOMAALIYA OO KU DHEGAN SHIRKADDA DP&WORLD EE IMAARAATKA,SABABTA?

(SAWIRKA)-WASIIRKA KALLUUMEYSIGA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Madaxweynihii hore ee Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shirkadda P&O u oggolaaday iney maamusho dekedda Boosaaso muddo soddon sano ah. Waqtigaas, P&O maysan la wareegin DP World oo ah shirkad ey leedahay dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta. Isla sanadkaas, waxaa la sheegay in la qorsheynayo in la dhiso deked gaar loo leeyahay oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee Waqooyiga Mudug oo hoos taga maamulka Puntland. Maamulka Madaxweyne Cabdiweli (2014–2019) ma uusan shaacin faahfaahin muhiim ah oo ku saabsan wareejinta maamulka Dekedda Boosaaso Shirkad Ajnabi ah. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bishii February 2022 ku andacoodey “ Dooddeenu waxa ey ahayd in Shirkadda P&O ey ku guul-daraysatay iney ku guulaysato maamulida dekedda Boosaaso, fashilkaas awgeed waa in heshiiska dib looga wadahadlaa, DP World si toos ah uguma lug lahayn maamulka dekedda, waxaana hadda la dhisay Shirkad ey iska kaashanayaan DP World iyo dawladda Puntland. 2020 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa Shirkadda DP World ku eedeeyay iney jabisay Qandaraaskii dekedda Boosaaso . Colaadda Sool ee 2023-ka ayaa u muuqatay mid lagu carqaladaynayo Istaraatiijiyada DP World ee ku aaddan ilaalinta Dekedda Boosaaso oo ey door hoose ku leedahay Dekedda Berbera, taasoo si weyn ugu tiirsan Suuq geynta gobollada kale ee Soomaaliya. Shirkadda DP World ayaa doonaysay iney la wareegto maamulka dekedda Garacad, taasoo ey u aragto iney tahay tartanka muhiimka ah ee dekedda Boosaaso.“Marka dib loo eego, caqli-xumo bay ahayd in Shirkadda P&O la siiyo heshiis soddon sannadood ah oo dekedda Boosaaso ah, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay la tashatay Shirkad Sharci oo hormuud ka ah Shirkadda DP World heshiisyo ey la gashay maamulka Somaliland iyo Puntland,” ayuu yiri qareen ku sugan Muqdisho. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku doodaysa in Shirkadda DP World iney heshiisyo xadgudubyo ah la gashay maamul Goboleedyada dalka ka jira, taasoo ku Xad-gudbtay Qaranimada Soomaaliya. Madaxda sare ee Shirkadda DP World ayaa la filayaa iney Muqdisho yimaadaan si ey u xaliyaan tabashooyin ka soo yeeray Dowladda Federaalka oo ku saabsan labada Dekadood ee Boosaaso iyo Berbera. "Dowladda Federaalku waxay u aragtaa heshiisyadii tanaasulka ahaa oo ey DP World u saxiixday maamulka dekedaha Boosaaso iyo Berbera kuwo aan waxba ka jirin," ayuu Qareenku hadalkiisa ku daray. Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa qorsheyneysa iney dhaqangeliso Heshiiskii Is-afgaradka ahaa oo ey sanadkii hore kala saxiixdeen AD Ports Group iyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya. AD Ports waxa ey qorshaynaysaa iney “Kor u qaado qaab dhismeedka dekedaha Soomaaliya iyo in la sameeyo dugsi Farsamo oo lagu tababaro Xirfadlayaasha Kalluumaysiga iyo Warshadaha Badda ee Gobolada Xeebaha Soomaaliya.

ISHA-PUNTLANDPOST.

Previous
Previous

MUCAARADKA PUNTLAND OO SII XOOGEYSTAY,MAXAA SOO KORDHAY?

Next
Next

IMTIXAANKA SHAHAADADA D/DHEXE OO KA BILAWDAY G/BANADIR.