IMTIXAANKA SHAHAADADA D/DHEXE OO KA BILAWDAY G/BANADIR.

(SAWIRKA)-GUD.MUUNGAAB OO FURAYA BAQSHADII UGU HOREYSAY EE IMTIXAANKA SHAHAADADA D/DHEXE G/BANAADIR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Dr.Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadada Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir sannad Dugsiyeedka 2024-2025-ka. Imtixaanka maanta ka bilawday caasimadda Muqdisho ayaa waxaa u fariisanaayo arday ey tiradoodu gaareyso ilaa 41,639-arday, ardaydaan waxaa Wiilal ah 22,778-arday, waxaane Gabdha ah 18,860-arday, waxaane jira arday gaareyso ilaa 32-arday isuguna jira wiilal iyo Gabdho oo ah dadka qaba Baahiyaha Gaarka ah. Imtixaanka maanta Muqdisho ka bilawday ayaa waxa lagu kala gelayaa ilaa 108-Xarumood kuna kala yaalo 20-ka degmo oo uu ka kooban yahay G/Banaadir,waxa uuna soo dhammaan doonaa Khamiista 12/6/25-ka. Maalmo ka hor ayey ahayd markii Wasaaradda Waxbarashada,Hiddah iyo Tacliinta Sare ey kulan dhinaca Amniga ah la yeelatay Heyadaha Amaanka Caasimadda Muqdisho qeybahooda kala gedisan si loo sugo Amniga Goobaha ey ka dhacayaan Imtixaanadda Shahaadada Dugsiga Sare iyo Dugsiga Dhexe ee G/Banaadir.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

MUQDISHO OFFICE.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KU DHEGAN SHIRKADDA DP&WORLD EE IMAARAATKA,SABABTA?

Next
Next

RUWANDA OO ISAGA BAXAYSA URURKA ECCAS.