RUWANDA OO ISAGA BAXAYSA URURKA ECCAS.
(SAWIRKA)-URURKA ECCAS.
(RWANDA)-Dalka Ruwaanda ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqay inuu isaga baxayo Ururka Dhaqaalaha ee Bartamaha Afrika (ECCAS) sababo la xiriira Xiisadda kala dhaxeysa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Kooxda hubaysan ee M23 oo ey Ruwanda taageerto ayaa horaantii sanadkan qabsaday dhul badan oo ka tirsan bariga dalka Kongo, oo ey ku jiraan labada magaalo ee ugu waa-weyn, iyadoo weerarkan uu horseeday dagaal balaaran oo dhex mara labada dal ee deriska ah. Xafiiska Madaxweynaha Kongo Felix Tshisekedi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xubnaha ECCAS ey “garteen gardarada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee Rwanda, waxayna ku amreen dalka gardarada ah inuu ciidamadiisa kala baxo ciidda Kongo”.
RUWAANDA AYAA LAGA HORISTAAGAY INEY LA WAREEGTO MADAXTINIMADA ECCAS:
Xukuumadda Kigali ayaa rajaynaysay iney la wareegto hogaanka 11-ka xubnood ee Ururka, shir ey Sabtidii ku yeesheen dalka Equatorial Guinea. Taa beddelkeeda, Ururkan ayaa go'aansaday inuu u ogolaado dalka Equatorial Guinea iney sii wadato doorka, taas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Rwanda ey ku eedaysay iney ku xadgudubtay Xuquuqdeeda Xubinimo. “Shirku waxa uu dib u dhigay wakhti kale oo lagu wareejinayo ku simaha xilka Madaxtinimo ee jaaliyadu Jamhuuriyadda Ruwaanda, waxaana sidaa awgeed lagu go’aamiyay in Mudane Obiang Nguema Mbasogo uu sii ahaado Ku-simaha Madaxweynaha Jaaliyadda muddo sannad dheeraad ah,” ayaa lagu yiri War-murtiyeed. Rwanda waxay cambaaraysay "Qalabaynta" dalka Kongo ee Ururka, iyada oo bayaan ey soo saartay ku sheegtay in aaney u arag "Wax sabab ah oo ey uga sii mid ahaanayso Urur uu hadda shaqaynayo kana soo horjeedo Mabaadi'da Aasaasiga ah."
ISHA-WAKAALADO.