(GERMANY)-CIRAAQI 48-JIR OO DAD BAABUUR JIIRSIYEY,SABABTA?
(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKU KA DHACAY.
(GERMAN)-Garsoore Jarmal ah ayaa soo saaray waaran lagu soo xirayo ninkii gaari dhex jiirsiyey dad badan, isagoo dhaawacay Xaaskiisa iyo Gabadhiisa yar, iyo dhowr qof oo kale. Muwaadinka Ciraaqi ah ee looga shakisan yahay inuu baabuurkiisa ku dhex jiiray dad badan oo ku sugnaa Passau, koonfurta Jarmalka, ayaa wajihi doona eedeymo la xiriira isku day dil, sida uu boolisku sheegay maanta oo Axad ah. Dhacdadan oo dhacday fiidnimadii xalay oo Sabti ahayd ayaa waxa ku dhaawacmay shan qof oo ey ku jiraan Xaaska ninka gaariga weday iyo gabadhiisa 5 jir ah. Natiijadii ugu horeeysay, sida ey booliisku sheegeen, waxay muujinaysaa in ninka 48-jirka ah iyo Xaaskiisa laga yaabo iney isku qabsadeen arrimo qoys. Ninka iyo Xaaskiisa ayaa kala tagay, sida ey booliisku sheegeen. Garsooraha Maxkamadda ayaa hadda soo saaray warqad lagu soo xirayo ninkaasi, waxaana Eedeysanaha loo gudbiyay Xarunta Asluubta.
DHIBANAYAASHA QAARKOOD AYAA KA SOO BAXAY ISBITAALKA:
Booliiska ayaa Axada maanta ah sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay oo ey gabadhu ku jirto mar horeba laga soo saaray isbitaalka. Xaaska ninka oo 40-jir ah iyo haweeney 39 jir ah ayaa weli ku sugan isbitaalka oo la daweynayaa, balse noloshoodu lama sheegin iney halis ku jirto. Gaarigu waxa uu ku dhacay meel u dhow Saldhiga Tareenka ee Passau abbaaro (3:30)- galabnimo wakhtiga maxaliga ah (1300 UTC/CMT) Sabtidii. Dadkii wadada marayay ayaa ku wargaliyay booliiska, sidaas ayaana ninka lagu xiray oo wax yar ka dib la weydiiyay su’aalp. Kormeerka Booliska Dembiyada Passau iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Passau ayaa hadda mas'uul ka ah baaritaanka shilka dhacay.
ISHA-DW.