HORJOOGAYAAL ALSHABAAB KA TIRSAN OO LAGU DILAY CEELHAREERI.
)SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta AL-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ey u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamiga ah. Howlgalkaasi oo Lixdii bishan Juun 2025, ka dhacay degaanka Ceelhareeri ee Gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya. Waxaa la xaqiijiyay in ilaa saddex horjooge oo kale lagu dilay howlgalkaas, kuwaas oo kala ah:
(1). Nuur Cabdi Rooble (Nuunle) oo ahaa Horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Galgaduud. Dhiigya-cabkan ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka bartilmaameedka ahaa.
(2). Horjooge Caddaw oo masuul ka ahaa waxa ey Khawaarijtu ugu yeeraan “Dabagalka” Jabhaddooda ee Galgaduud.
(3). Macallin Cumar oo ahaa Horjooge u qaabilsanaa kooxda Khawaarijta Marin-habaabinta iyo tababarka maleeshiyaadka. Tirada guud ee Horjoogayaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalkaas ayaa hadda gaartay shan, kuwaas oo dhammaantood si toos ah ugu lug lahaa Abaabuladii Khawaarijtu ka wadeen muddooyinkii dambe Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka dhaawacmay, kuwaasoo kooxda Khawaarijtu isku dayeyso iney kala baxsadaan goobaha dagaalka. Ma jirto meel ey uga baxsan karaan cadaaladda iyo geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Horjoogayaasha dhiig-miiratada ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. Shalay ayey ahayd markii Wasiir Fiqi uu shir Jara’id ku sheegay in, in ka badan 40-tan Horjooge iyo Maleeshiyaad isugu jira kana wada tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal Qorsheysan oo ey si wadajir ah u fuliyeen Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo Xooga Dalka Soomliyeed garabna ka helaayo Saaxibadda Caalamka kaaso ka dhacay degaanka Ceelhareeri ee Goboka Hiiraan,Hawlgalka ayaa bartilmaameedsaday goob ey Khawaarijtu isku qarinayeen iyadoo sidoo kale lagu burburiyey gaadiid ey saarnaayeen Maleeshiyaadka. Inta la xaqiijiyey hawlgalkaas ayaa lagu dilay ABU ANAS,oo Khawaarijta ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xeraw) oo ahaa Horjooge kooxeed Khawaarijta ka tirsanaay.
ISHA-SNTV.