PUNTLAND OO $44-KUN KU GANAAXDAY DOON LAGA LEEYAHAY YEMAN.

(SAWIRKA)-DOONTA MEYMUUN-1.

(BOSASO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Bari ee Boosaaso ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in maamulku uu sii daayey Jimcihii shalay ilaa 26-Kallumeysato oo Yamaniyiin ah kana soo jeedo Gobolka Xadarmuut K/Yaman ka dib markii ey xirnaayeen muddo dhan seddex todobaad sababo la xiriira iney degaanadda Puntland kaga Kallumeysanaaye sifo sharci darra ah. Ilo Wareedyo si aad ah ugu dhaw maamulka Puntland ayaa sheegay in kalluumeysatada reer Yaman la sii daayey ka dib markii Milkiilaha Doonta Meymuun-1 uu bixiyey ganaax dhan $44,000 doolarka Maraykanka ah. Sida wararku sheegayaan sii deynta Kalluumeysatada ayaa timid dadaallo xoogan ey wadeen dhinacyo kala duwan gaar ahaan Safaaradda Yeman ee Soomaaliya,waxaane la filaa in Kalluumeysatadu dib ugu laabtaan dalkooda Yaman dhawaan. Ilaaladda Xeebaha Puntland ayaa qabtay Kalluumeysatadaan bartamihii bishii Meey-2025-ka,waxaane laga qabtay meel u dhaw Raas Caseyr iyagoo sheegay in Doonidda ey xadgudubtay shuruucda Badda,Kalluumeysatada ayaa lagu weday in la horgeeyo Maxkamadda degmada Baargaale ka hor inta aan arrinta lagu dhammeyn Sulux. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DG Puntland ayaa sheegtay in Kalluumeysatadu ey isticmaalayeen habka Xaalufinta ee Puntland laga mamnuucay isla markaasne uusan jirin Wakiil rasmi oo ey kaga diiwaanshan tahay dawladda Puntland.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB KA TIRSAN OO LAGU DILAY CEELHAREERI.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA MID NOQOTAY DALLAKA EEDEYEY SACUUDIGA.