SOOMAALIYA OO KA MID NOQOTAY DALLAKA EEDEYEY SACUUDIGA.

(SAWIRKA)-CALANKA SACUUDIGA.

(GENEVA)-Ururada shaqaalaha ee ka kala socda 36 wadan ayaa u gudbiyay Hay’ada Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) cabasho ku aadan sida loola dhaqmo shaqaalaha soogalootiga ah ee ku sugan dalka Sacuudiga,sida uu sheegay Wargayska The Guardian. Soo gudbinta wadajirka ah ayaa ku baaqday "Guddi baaritaan" ku saabsan Xuquuqda Shaqada ee Boqortooyada mid ka mid ah qalabka ugu muhiimsan oo ey heli karto Hay'adda Qaramada Midoobay. "Tani waa baaq deg deg ah oo ku wajahan dib u habaynta dhabta ah, loo dhan yahay iyo iskaashiga," ayuu yiri Luc Triangle, Xoghayaha Guud ee Isutagga Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah. "Uma dulqaadan karno dhimasho kale oo shaqaale soogalootiga ah ee Sacuudi Carabiya, kama aamusi karno inta shaqaalaha muhaajiriinta ah, gaar ahaan kuwa dhismaha iyo guryaha, ey sii wadaan iney la kulmaan Xadgudubyada asaasiga ah ee Xuquuqda aasaasiga ah. Tani waa iney joojisaa hadda." Cabashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo horumarka iyo dhismuhu ka socdo Sucuudiga ka hor martigelinta Koobka Adduunka ee FiFA sannadka 2034-ta. Todobaadkan, Boqortooyada ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay ILO oo ku saabsan shir sanadeedkeeda Geneva. Sida ku cad heshiiska, oo bilawga ah laba sano, Riyadh ayaa la filayaa iney waafajiso shuruucdeeda shaqada iyo heerarka caalamiga ah. Heshiiska ayaa lagu soo waramayaa iney ka mid yihiin tallaabooyin lagu taageerayo qoritaanka caddaaladda, in loo fududeeyo xoogsatada iney beddelaan shaqooyinka, soo bandhigidda mushaharka ugu yar iyo in lagu daro shaqaalaha soogalootiga ah ee ku jira guddiyada matalayaasha shaqaalaha.  Waxa kale oo ku jira ballan-qaadyo lagu hagaajinayo magdhowga shaqaalaha la dhaawacay ama la dilay. Si kastaba ha ahaatee, Ururo shaqaale oo ka kala socday wufuud kala duwan ayaa qaba in dib u habayntu aaney meel fog gaarin. Ururo ka kala socda UK , Japan, Canada, Australia iyo 13 dal oo Afrikaan ah ayaa ka mid ahaa Xubnihii saxiixay cabashada Sacuudiga oo si weyn uga soo horjeestay. “Dadka Afrikaanka ah waxay aadaan Sacuudiga iyagoo nolol raadis ah, balse waxay dib ugu soo laabtaan iyagoo lagu sido Nacash,” ayuu yiri Cumar Cismaan oo ah Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, kana mid ahaa Saxiixayaasha.  Cabashada, oo uu arkay Wageyska The Guardian, ayaa taxaysa dhawr kiis oo la sheegay in lagu shaqaysto, sida ka Ganacsiga dadka, Xatooyada Mushaharka, iyo Tacaddiyada Galmada iyo Jireed ee loo geysto shaqaalaha soogalootiga ah. 

DHIMASHADA SHAQAALAH MUHAAJIRIINTA AH:

Bishii hore, warbixin ey soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch (HRW) ayaa lagu ogaaday in tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha soogalootiga ah ee ka shaqeysta Sacuudiga iney ku dhinteen Shilal Argagax leh, oo laga baaqsan karay goobaha shaqada oo ey ku jiraan kuwo ka soo dhacay dhismayaal, Koronto iyo Madax go’an. Sacuudi Carabiya ayaa si weyn ugu tiirsan shaqaale Ajnabi ah si ey u awoodaan xakameynta dhaqaalahooda. Dad ku dhow 34 milyan, in ka badan 13 milyan ayaa ah muhaajiriin, oo ey ugu horeeyaan Koonfurta iyo Koonfur-bari Aasiya iyo qaybo ka mid ah Afrika, sida ey sheegtay Waaxda dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay. Shaqaalahani waxay u badan yihiin qaybaha sida dhismaha, shaqada guriga, nadaafadda iyo martigelinta inta badan waxay qabtaan qaar ka mid ah shaqooyinka ugu khatarta badan iyo kuwa hooseeya ee dalka. In kasta oo ey jiraan sharciyo Sucuudi ah oo faraya tallaabooyinka badbaadada shaqada iyo la xisaabtanka loo shaqeeyaha, warbixinta HRW ayaa daaha ka qaaday guul-darooyinka nidaamka ee ilaalinta shaqaalaha, baaritaanka dhimashada iyo xaqiijinta magdhowga. Warbixintu waxa kale oo ey diiwaangelisay qaabab naxdin leh oo dhimasho ah oo si khaldan loogu sifeeyay "sababaha dabiiciga ah", xitaa xaaladaha ey dhaawacyada dilaaga ahi ka dhaceen goobaha shaqada. HRW ayaa wareysatay qoysaska 31 ka mid ah shaqaalaha dhintay, oo u badan Bangladesh, India iyo Nepal, kuwaas oo ku dhintay Saudi Arabia da'doodu u dhaxayso 23 ilaa 52. Xaalado kala duwan, qoysasku waxay sheegeen iney mugdi ku jiraan sababta iyo xaaladda dhimashada eheladooda. Loo-shaqeeyayaashu waxay inta badan daahiyaan ama diidaan iney soo celiyaan haraaga iyo alaabta gaarka ah, xaaladaha qaarkood, waxay ku cadaadiyaan qoysaska iney aqbalaan in lagu aaso Sacuudiga si ey ugu beddelaan magdhow dhaqaale oo yar. Hal kiis, wiil u dhashay Bangladeshi oo u dhintay koronto ayaa sheegay in loo shaqeeyaha uu ku xiray magdhow ah inuu ogolaado in aabihiis lagu aaso Sacuudiga. Qoysku way diideen oo waxay ku qasbanaadeen iney amaahdaan in ka badan $4,000 si ey meydka ugu soo celiyaan, kaliya waxay heleen magdhow ka yar dayntii lagu lahaa. Inta badan shaqaalaha muhaajiriinta ah ayaa Sucuudiga ku gala nidaamka Kafaala-Qaadka, kaasoo si sharci ah ugu xiraya sharciga socdaalka shaqaalaha shaqaale gaar ah. In kasta oo dhawaan dib u habayn lagu sameeyay oo u ogolaatay shaqaalaha qaarkood iney beddelaan shaqooyinka iyaga oo aan ogolaansho ka haysan loo-shaqeeyaha, qaar badan ayaa wali u nugul dhiig-miirashada, xoog-shaqaynta, xatooyada mushaharka iyo xaaladaha adag ee shaqada. Warbixin uu soo saaray New York Times bishii March ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 274 shaqaale Kenyan ah oo u badan haween iney ku dhinteen Sacuudiga shantii sano ee la soo dhaafay inkastoo ey ahaayeen dhalinyaro shaqaale ah oo ku jiray shaqooyin aan halis ahayn. Shaqaale aad u badan oo Ugandha u dhashay ayaa sidoo kale ku dhintay Boqortooyada Khaliijka muddadaas. Sannad kasta, kumannaan dumar ah oo u dhashay Uganda iyo Kenya ayaa u safra Sucuudiga si ey u helaan shaqooyin gudaha ah sida kuwa guryaha ka shaqeeya iyo kuwa haaya caruurta. Qaar badan ayaa la soo noqda sheeko ku saabsan mushahar la'aan, xarig, garaacid, gaajo iyo Fara-xumayn. Qaar kale waxay ku soo noqdaan Nacash. Dadka dhintay, baaritaannada meydadka ayaa inta badan muujinaya dhaawacyada sida gubashada iyo dab koronto. Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa diiwaan geliyay dhimashada iney tahay sababo dabiici ah.

ISHA-MEE.


Previous
Previous

PUNTLAND OO $44-KUN KU GANAAXDAY DOON LAGA LEEYAHAY YEMAN.

Next
Next

(GARAWE):AGAASIME KA TIRSAN WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA OO…