(GARAWE):AGAASIME KA TIRSAN WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA OO…
(SAWIRKA)-WARIYE KU XIRAN GAALKACYO.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in maamulkaasi uu jawaaby ka bixiyey Gogoshii uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxmud,taaso dhammaan Ummaadda Soomaaliyeed ey ku jiraan Siyaasiyiinta dooneysa iney qabtaan xilka Madaxweynaha dalka. Puntland waxa ey cadeeysay mawqifkeeda shirka waxa eyna shuruud adag ku xirtay ka qeybgalkeeda,shuruudda Puntland ayaa ah in DFS ey ka laabato wax ka bedelka Dastuurka dalka isla markaasne ey dib u soo celiso Dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxmud Dirir Ceydiid oo salaadii Ciida ka dib maanta warbaahinta Garawe kula hadlay ayaa ugu baaqay MW-Xasan Sheekh inuu ka laabto dhammaan isbedeladda uu ku sameeyey Dastuurka dalka ka hor inta aan laga wada hadlin qabsoomidda shirka u ku dhawaaqay inuu dhacaayo 15/6/2025-ka. Wasiirka ayaa Warqada casuumadda ah ku tilmaamay iney tahay mid isku dhex karis ah oo eysan kala cadeeyn cidda lagu casuumay iyo cidda ka maqan Gogosha. Sida ka muuqata hadalka Wasiir Ceydiid,maamulka Puntland kuma qanacsana wax ka bedelka dastuurka dalka ee la yagleelay 2012-kii,dastuurkaan oo intiisa badan ah mid u daneynaya Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ah mid wax muuqda hadda laga qabtay taaso shacabka kuwii metelaayey ey wada aqbaleen. Dhinaca kale,saraakiil ka tirsan Hayadda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa maalintii shalay oo Khamiis ahayd waxa ey Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Garawe ku xanibeen Agaasimaha Waaxda Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee XFS Md.Maxmud Siciid Nuur, waxaane Agaasimaha wehliyey qof kale isaga la socday. Agaasimaha ayaa bartiisa Facebook waxa uu soo dhigay wixii dhacay wax uuna yiri”Aniga iyo Mudane Ducaale Foore Ducaale xanibaadii iyo is hortaagii aan saakay kala kulanay gudaha garoonka diyaaradaha Garawe oo ey fuliyeen saraakiil ka tirsan Hayadda PISA” “Waxay ahayd dhacdo aan waafaqsaneyn xeerarka iyo qawaaniinta dalka,gaar ahaan kuwa damaanad qaadaayo xuriyadda isu socodka mawaadiniinta Soomaaliyeed”ayuu sii raaciyey hadalkiisa Agaasime Maxamud Siciid Nuur. Weli waxa aan ku guda jirnaa wararkii Puntland,Agaasimaha Radio Gaalkacyo ee dhinaca Puntland Md.Maxamed C/casiis ayaa saakay oo Ciida ah ciidamadda Booliska Gaalkacyo u taxaabeen xabsiga,laamaha amaanka ayaan si rasmi ah weli uga hadlin sababta loo xiray Agaasime Maxamed C/casiis,waxaane loo gudbiyey Xabsiga weyn ee magaaladda Gaalkacyo. Warar hordhac ah oo ey heshay warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegaayo in Agaasime Maxamed C/casiis lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay abaabulka Mudaaharaad ka dhan ah Dawladda Puntland ee uu hogaamiyo Siciid C/laahi Deni.
ISHA-SB-MEDIA.