MAXKAMAD IS HORTAAGTAY TARXIILKA QOYSKA MAXAMED SULEYMAAN.
(SAWIRKA)-MAXAMED SABRI SULEYMAAN.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Garsoore ka tirsan Maxkamadaha Maraykanka uu is hortaagay Musaafurinta Qoyska Maxamed Sabri Suleymaan oo u dhashay dalka Masar kaaso dhib ka geystay magaaladda Boulder ee Gobolka Colrado ee dalka Maraykanka maalintii Axada ee ina soo dhaaftay,iyadoo ka hadleysa go’aanka Maxkamadda ee lagaga hortegay Musaafurinta Qoyska Mawaadinka Masriga ah Maxamed Sabri Suleymaan oo ahaa ninkii geystay weerarkii ka dhacay magaaladda Boulder ee Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa afhayeenka Aqalka Cad Caroline Levitt, waxa ey xukunka ku tilmaantay mid xun, Garsoorihiine waxa ey ku sheegtay inuu yahay mid aan Damiir leheyn. Tv-ga Fox mar uu wareystay afhayeenka Aqalka Cad ayey tiri”Waxaa jira Garsoorayaal isku dayaya iney ka hortagaan musaafurinta Qoyska Argagixisada ah ee halkan ku joogo si sharci darra ah”,waxay sidoo kale carabka ku adkeysay in dadka Maraykanka ah ey si weyn u taageeraan Musaafurinta dembiileyaasha sharci darrada ah.
GARSOORE AAN DAMIIR LEHEYN:
Afhayeen Aqalka Cad Caroline Levitt, waxa ey dhaceelceysay go’aanka Maxkamadda oo ey ku tilmaamntay inuu yahay mid been abuur ah uuna soo saaray Garsoore aan Damiil leheyn. Arrintaan ayaa timid ka dib markii Maxkamada Gobolka Colorado ey khamiistii ku eedeysay Maxamed Sabri Suleymaan isku day dil iyo dembiyo kale,iyadoo ku eedeysay inuu Molotov Cocktails ku tuuray socod lagu xusaayey la heystayaasha Isra’iil ee Marinka Gaza.
WUXUU XIRNAAN DOONAA IN KA BADAN 600-SANO:
Dacwad oogayaasha Gobolka Coloraado ayaa sheegay in Suleyaan oo 45-jir ah uu wajahaayo in ka badan 600-sano oo xarig ah haddii lagu helo ilaa 28-eedeymo oo ah isku day dil. Waxa uu wajahayaa wadar dhan 118-dacwadood oo ey ku iiraan weerar,adeegsi qalab dab hurinaayo, iyo naxariis darrada xoolaha ka dib markii uu dhaawaacay Eey. Suleymaan ayaa sidoo kale wajahaayo eedeymo neceyb ah oo heer Federaal ah kuwaaso haddii lagu helo lagu xukumi doono Xabsi Daa’in ah. Waxaa lagu wadaa in maanta oo Jimca ah la horgeeyo Maxkamad heer Federaal ah. Weerarka uu geystay Maxamed Suleymaan oo dhacay maalintii Axada ayaa ka dhacay Gobolka Colorado,waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qofood kuwaaso qaarkood ey weli ku jiraan Isbitaalka. Waxaa xusid mudan in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in Maxamed Suleymaan uu dalka Maraykanka ku soo galay fiiso dalxiis ah sannadkii 2022-kii,waxaane uu mudoonyinkii ugu dambeeyey ku noolaay Colorado prings. Masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka ayaa xaqiijiyey inuu ka dhacay dal ku galka isla markaasne uu ka dhacay sharcigii uu ku shaqeysan lahaa taasi oo keentay inuu si sharci darra ah dalka ku sii joogo. Maamulka Colorado ayaa xabsiga dhigay Qoyska Maxamed Suleymaan kaaso ka kooban Xaas iyo shan caruur ah uu dhalay Talaadadii la soo dhaafay si dalka looga tarxiilo. Si kastaba ha ahaatee, Xaakim heer Federaal ah ayaa Arbacadii si ku meel gaar ah u hor istaagay musaafurintooda,isagoo hor istaagay in la dedejiyo.
ISHA-AA.