SOOMAALIYA OO BEENISAY WAR BEEN ABUUR AH.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOMALIA.

(MUQDISHO)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay eedeymo been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ee Facebook iyo website-yada been abuurka ah, iyadoo sheegtay in Ergadii Soomaaliya uga qeyb gashay shirka Caalamiga ah ee ILO eysan soo laaban, iyadoo ku tilmaantay sheegashadaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo xaasidnimo ah, loona qorsheeyay in lagu marin habaabiyo shacabka, laguna dhaawaco sumcadda Masuuliyiinta Soomaaliyeed iyo sumcadda dalka. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in wafdigii saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya ey si firfircoon uga qayb-galeen ILO-ga Geneva, iyadoo inta badan Ergada ey dib u soo laabteen ka dib markii ey soo dhameysteen howlahooda toddobaadka koowaad. Qaar ka mid ah saraakiisha sare ayaa weli ah iney gutaan waajibaadkooda, oo ey ku jiraan shaqada guddiga iyo u codeynta go'aamada muhiimka ah. Waxqabadkii weftigu si wanaagsan ayaa loo qiray, ayey Wasaaraddu tiri. Sheegashadan been abuurka ah ayaa lagu eedeeyay iney ka soo jeedaan saddex qof oo qurba joog ah oo ku kala nool dalalka Canada iyo Sweden, kuwaas oo laga reebay ergada rasmiga ah ee Soomaalida, sababo la xiriira ineysan xiriir la lahayn Hay’adaha shaqaalaha ee la aqoonsan yahay iyo kuwa aan degenayn Soomaaliya. Shaqsiyaadkan oo lagu shaabadeeyey iney iska dhigayaan Ururo shaqaale oo aqoonsi ka haysta OATUU, ayaa la sheegay iney bilaabeen Xog-waraysi dhanka internet-ka ah iyo olole been abuur ah oo ey ku beegsanayaan ergada iyaga oo lacago la siinayo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada. Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in ka-saariddoodu ey la jaan-qaadayso heerarka Qaranka iyo kuwa caalamiga ah, oo ey ku jiraan xeerarka ILO, waxayna u aqoonsan tahay ololaha dadaal-xumo ula kac ah. Tallaabo sharci ah ayaa lagu qaadi karaa iyadoo la raacayo sharciga Soomaaliya iyo kan caalamiga ah ee sumcad dil dambiyeed. Waa wax u baahan in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ineysan isaga harin kuwii sameeyey Sumcad dilka Masuuliyiinta Qaranka ee dalkaba,waane in Video-yadii la soo dhigay baraha Bulshada la keyd gareeyaa si kuwii soo dhigay looguMaxkamadeeyo.

HALKAN KA AKHRISOMJAWAABTA WASAARADDA.

ISHA-DALSAN.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO MARTIGELISYA SHIRKA MAALGASHIGA GEESKA AFRIKA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO XAYIRAADII KA QAADAY BAASBOORKA TAIWAN,SABABTA?