SOOMAALIYA OO MARTIGELISYA SHIRKA MAALGASHIGA GEESKA AFRIKA.

(SAWIRKA)-KA QEYBGALAYAASHA SHIRKA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ey ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, K/Sudan oo ey Muqdisho soo gaareen Agaasimeyaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ey aaladda fogaan aragga (Zoom)-ka uga soo qeyb galeen shirka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS Mudane Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ey hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka Geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka. Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada Geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative). "Xilligan ey jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ey ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan. Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ey yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ey guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ey Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

ISHA WARAKA-SNTV.


Previous
Previous

FRANCE: ARDAY TOOREYEY MASUULIYIIN WAXBARASHO.

Next
Next

SOOMAALIYA OO BEENISAY WAR BEEN ABUUR AH.