FRANCE: ARDAY TOOREYEY MASUULIYIIN WAXBARASHO.

(sawirka)-booliska faransiiska.

(PARIS)-Shaqaale Faransiis ah ayaa waxaa toori ku dilay arday 14 jir ah, xilli uu ku guda jiray hubinta Boorsoyinka, Gendarmerie ayaa Talaadadii shalay sheegay. Askari booliis ah oo gacan ka geysanayay baaritaannada ayaa sidoo kale dhaawac fudud ka soo gaaray dhacdadan oo ka dhacday iskuul ku yaalla magaalada Nogent ee Waqooyi bari ee dalka Faransiiska. "Iyadoo aan ilaalinayno caruurteena Nogent, Kaaliyaha Waxbarashada ayaa nafteeda ku weeysay, dhibbanaha mowjad rabshado ah oo macno darro ah," Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku qoray baraha bulshada.“Umaddu baroor-diiq ayey ku jirtaa, dowladdana waa la abaabulaa si dambiyada loo yareeyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay. 

HUBINTA SHANDADAHA AYAA LA SOO BANDHIGAY SI DUGSIYADA FARANSIISKA LOOGA DHIGO KUWA NABDOON:

Kaaliyaha Waxbarida oo 31 jir ah ayaa dhowr jeer la tooriyeeyay markii xiisadaha ey bilowdeen. Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay gendarme, sida ey sheegeen saraakiisha waxbarashada. Ardayga oo aan wax dambi ah lahayn ayaa xabsiga loo taxaabay. Wasiirka Waxbarashada Elisabeth Borne ayaa ku sii jeeday Nogent "si ey u taageerto dhammaan bulshada dugsiga iyo booliiska." In kasta oo werarada dilaaga ah ee dugsiyadu ey naadir ku yihiin Faransiiska, haddana welwelka sii kordhaya ee rabshadaha ayaa sababay in Wasaaradda Waxbarashada ey sannadkan ka hirgeliso hubinta boorsooyinka dugsiyada qaarkood. Muddo laba bilood ah gu'gan, wadar ahaan 186 mindi ayaa lala wareegay intii lagu jiray hubinta, 32 qofna waa la xiray, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay Talaadadii shalay ahayd. "Khatarta hubka firileyda ah ee caruurteena ayaa noqotay mid halis ah. Annaga ayey inagu xiran tahay inaan ka dhigno masiibadan baahsan cadow dadweyne," Ra'iisul Wasaare Francois Bayrou ayaa ku qoray bartiisa (X) ka dib weerarkii Talaadadii shalay ahayd dhacay. Wiilka geystay dhibkaan ayaa ah mid jira 14-sano,waxa uuna arday ka ahaa Dugisa dhexe ayaa ku yaalo Nogent oo ah magaalo aada u yar. Ardaygaan geystay dhibka ee hadda xiran ayaa la sheegin magaciisa,mana laha dembiyo hore uu galay ka dib markii laga baaray liiska dad horay dembiyada u galay ee dalka Faransiisk.

ISHA-DW.

Previous
Previous

FARANSIISKA OO KA MAMNUUCI DOONO ISTICMAALKA BARAHA BULSHADA CARUURTA KA YAR 15-KA SANO.

Next
Next

SOOMAALIYA OO MARTIGELISYA SHIRKA MAALGASHIGA GEESKA AFRIKA.