SOOMAALIYA OO SHIR KAGA QEYBGASHAY GENEVA.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOMALIA.

(GENEVA)-Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, iyadoo kaashaneysa Safaarada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland ayaa waxay kulan doceed gaar ah ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobeey ee magaalada Geneva, kaasoo diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ey ka sameeysay arrimaha Xuquuqul Insaanka. Kulankan ey soo qaban qaabisay Soomaaliya waxaa kasoo qeybgalay dowladdo kala duwan, waxaana si wada jir ah u shir Gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Marwo Danjire Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi iyo Safiirka Dowlada Ingiirska ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, Danjire Eleanvor Sanders, waxaana kulanka kasoo qeyb galay wadamo badan oo ka mid ah Xubnaha Golaha Xuuuqul Insaanka QM (UN Human Right Council Members). Kulankaan waxaa masuuliyiinta ka hadlay ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland, isla markaana ah Ergeyga joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Hay’adaha QM ee fadhigooda yahay magaalada Geneva Danjire Qadra Ducaale, Safiirka UK ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaana shirka inta uu socday la qabtay doodo ku aaddan waxa u qabsoomay Soomaaliya iyo caqabadaha ka hortaagan taasoo ey ka qeyb galeen Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo matalayay Bulshada Rayidka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Maxamed Bashiir Cumar iyo Xoghaya koobaad ee Dowlada Ingiriiska Charles Kent. Guud ahaan kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeedimo isugu jiray bogaadin iyo weydiimaba la wadaagay ka qeyb galayaasha dooda, waxaana si diiran loo soo dhaweeyay horumarka ey Soomaaliya ku talaabsatay.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA OO QAABILAY GUD.WAKIILADDA…

Next
Next

NAYROOBI OO LOOGA DHAWAAQAY GOLE CUSUB OO MUCAARAD AH.