GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA OO QAABILAY GUD.WAKIILADDA…

(SAWIRKA)-KULANKII GUD.MADOOBE.

(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ey wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad Goboleedkaasi. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ey u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

WAFDI INGIRIIS AH KANA SOCDAY WAAXDA SOCDAALKA OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO SHIR KAGA QEYBGASHAY GENEVA.