NAYROOBI OO LOOGA DHAWAAQAY GOLE CUSUB OO MUCAARAD AH.
(SAWIRKA)-SIYAASIYIIN.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Shir ey magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya, ayaa lagu gaaray in si dhaqso ah shir loogu yeero dhammaan Qaybaha Siyaasadda Soomaaliya si xal Qaran looga gaaro caqabadaha jira. Shirkan ayaa la sheegay in looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray sida War-saxaafadeedka lagu sheegay, sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale. Dhinacyada ayaa isku raacay in si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go'aanna looga gaaro xaaladda kala Guurka Siyaasadda Dalka. Waa kulankii ugu horeeyay oo ey isugu yimaadaan Madasha Samatabixinta iyo Puntland iyo Jubbaland. Sida ka muuqata qodobada war-saxaafadeedka, Dhinacyadan ayaa mideeyay mowqifkooda Siyaasadeed si ey culays u saaraan Madaxweyne Xasan Sheikh oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo, si ey ugu cadaadiyaan in heshiis lagu midaysan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka. Shirkaan ayaa yimid, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu raadiyo dhinacyada ka aragtida duwan dowladda, isamarkaasna ey wararku sheegayeen inuu safar ku tagayo magaalada Kisamayo, si uu ula kulmo madaxweynaha Jubbaland. Kulanka maanta ka dhacay magaaladda Nayroobi ee dalka una dhexeeyey Madaxda Jubaland iyo Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Madasha Ex.Mw.Sheekh Shariif Sh.Axmed iyo Ex.Rw-Maxamed Xuseen Rooble,mana la yaqaano ilaa hadda sababta ey uga qeybgeli waayeen shirka Nayroobi anagoo og in Madasha ey horay ugu kala jabtay laba qeybood ey kala hogaaminayeen Sheekh Shariif iyo Ex.RW-Cumar C/rashiid,balse hadda ayey mar kale u muuqataa in Madashii sii kala tagtay waa haddii Shariifka iyo Rooble cadeeyaan mawqifkooda waxa ka soo baxay Nayroobi.
XIGASHO-HOL.