SOOMAALIYA IYO HAYADDA IOM OO KA WADA HADLAY ARRIMAHA…

(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG IYO MADAXA IOM.

(MUQDISHO)-Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay, Manual Pereira. Kulankaan ayaa laga hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hayadda IOM, xoojinta Amniga iyo maamulka Socdaalka, si loo horumariyo adeegyada la xiriira Amniga iyo taageerada bulshada, xuduudaha dalka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ey leedahay sugidda iyo casriyeynta nidaamyada ilaalinta xuduudaha. Sidoo kale, arrimaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ah Tahriibka iyo Socdaalka sharci darrada ah, iyadoo Hayadda IOM iyo Wasaaradda ey isku raaceen in la xoojiyo Qorshayaasha ka hortagga Tahriibka, iyo taageerada dadka ku soo laabta dalka. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey Hayadda IOM doorka ey ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ahi uu gacan weyn ka geysan doono sugidda xasilloonida iyo horumarinta nidaamka socdaalka.

XIGASHO-SNTV.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY RIYAAD.