SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY RIYAAD.
(SAWIRKA)-WASIIRADA ISGAARSIINTA CARABTA.
(RIYAD/KSA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyada sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegaayo in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin, uu halkaasi kaga qeybgalay Shirka 2-aad ee Golaha Wasiirrada Ammaanka Cyberka ee dalalka Carabta oo ka dhacay magaalada caasimadda ah Riyadh ee Boqortooyada Sucuudiga. Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Wasiirrada iyo Madaxda sare ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Carabta ee dhinaca Amniga Dijitaalka. Intii uu shirka socday, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayey baahida loo qabo mideynta dadaallada Carabta si wax looga qabto khataraha sii kordhaya ee cyberka. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay: (1)-In Mudnaan gaar ah la siiyo dhisidda awoodda bini’aadanka iyo xirfadaha farsamo ee casriga ah, (2)-Xoojinta kaabayaasha dijitaalka ee muhiimka u ah horumarka dalalka Carabta, (3)-Horumarinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka, gaar ahaan garaadka macmalka ah (AI) iyo (4)-Ammaanka cyberka, Iyo walbiba Mideynta mowqifka Carabta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhanka amniga dijitaalka. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya dhawaan meel marisay in khataraha Amniga Qaranka lagu daro amniga cyberka, taas oo caddeyn u ah sida dowladda uga go’an tahay dhisidda hannaan adag oo lagu difaaco Amniga cyberka. Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda XFS xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa xusay in Soomaaliya ey ka go’an tahay hirgelinta go’aannada Golaha, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo ku dhisan kaabayaal adkeysi leh iyo hal-abuurnimo iyo iskaashi horumarineed oo mideeya dalalka gobolka.
XIGASHO-SNTV.