MALAGA YAABAA IN MARAYKANKU UU JOOJIYO HAWLGALADA UU KA WADO KENYA IYO SOOMAALIYA?
(SAWIRKA)-MW TRUMP.
(USA)-Arbaco, 1/10/2025, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su’aal galiyay hawlgallada milatari ee joogtada ah ee ciidamada difaaca Mareykanka ka wadaan dalka Kenya iyo deriskeeda Soomaaliya. Madaxweyne Trump Isagoo khudbad u jeedinayay Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka, Trump wuxuu sheegay in ka dib tobannaan sano oo Mareykanku ku bixinayay ilaalinta dalal shisheeye, lana joogo waqtigii Ciidamada Difaaca Mareykanka ey diiradda saari lahaayeen cadow gudaha ah oo aan si cad loo magacaabin. Trump ayaa ku adkeystay in Mareykanku uu wajahayo “Duullaan gudaha ah”, taasoo uu ku sheegay xaalad muddo dheer la iska indhatiray oo xitaa ey ku guuldareysteen iney wax ka qabtaan Madaxdii isaga ka horeeysay, oo uu ku daray Madaxweyne Joe Biden. “Sanadihii ugu dambeeyay oo keliya ayaa siyaasiintu u maleeyeen in shaqadeennu tahay inaan ilaalino xuduudaha fog ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu gudaha kaga jiro duullaan,” ayuu yiri Trump. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ku jirnaa duullaan gudaha ah, oo aan ka duwanayn cadow shisheeye, balse siyaabo badan uga adag, maxaa yeelay ma xiranayaan dhar ciidan. Haddii ey dhar ciidan xiran lahaayeen, waad qaban lahayd.” Si uu ula tacaalo waxa uu ugu yeeray “cadowga gudaha”, Trump wuxuu shaaciyay inuu ciidamo u diri doono magaalooyinka qaar ee Mareykanka, oo ey ku jiraan New York, San Francisco iyo Chicago. Lama oga weli in hadallada cusub ee Trump iney saamayn ku yeelan doonaan ka qaybgalka ciidamada Mareykanka ee howlaha ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda xuduudda Kenya iyo Soomaaliya. Bilihii la soo dhaafay, ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen duqeymo cirka ah iyo hawlgallo door weyn ka ciyaaray yaraynta falalka Argagixisada ee Geeska Afrika. Sidoo kale, Kenya waxay xiriir iskaashi oo ciidan la leedahay Mareykanka muddo dheer, iyadoo sanadkii hore maamulkii Madaxweyne Joe Biden uu Kenya ku daray dalalka aan NATO ahayn ee saaxiibka la ah Mareykanka. Go’aankaas, oo la ansixiyay bishii May intii lagu jiray booqashadii Madaxweyne William Ruto ee Mareykanka, wuxuu Kenya u horseeday fursado muhiim ah oo ciidan iyo dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, 14 bilood ka dib, maamulka Madaxweyne Trump ayaa bilaabay dib-u-eegis ku saabsan xaaladaas Kenya. Arrintan ayaa timid ka dib markii Congressman James Risch uu soo jeediyay in wax-ka-beddel lagu sameeyo sharciyada Difaaca Qaranka Mareykanka ee sannadka Maaliyadeed 2026.
XIGASHO HOL.