SOOMAALIYA OO SHIR GUDOOMISAY SHIRKA WASIIRADDA MAALIYADDA EE GEESKA AFRIKA.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA MAALIYADDA EE GEESKA AFRIKA.

(NAIROBI)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka Geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir guddoon ka tahay, kaasoo ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka Geeska Afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑰𝒏𝒕𝒆𝒈𝒓𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑯𝒐𝒓𝒏 𝒐𝒇 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka. Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in hirgelinta qorsheyaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska. Kulanka 25-aad ee Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika ayaa ku qabsoomay Xarunta BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA(AFDB),kulanka farsamo ayaa berri waxa uu ka dhici doonaa Xarunta Bangiga Horumarinta Afrika ee magaaladda Nayroobi,isagoo ururin doono goobaha muhiimka ah iyo la taliyeyaash qarankaee dalalka xubnaha ka ah iyo la hawlgalayaasha horumarinta. Kalfadhigu waxa uu diiradda saari doonaa Mustqbalka Hindisaha,oo ey ku jiraan qorshaha shaqada ee soo socota iyo mudnaanta istaraatiihjiga ah.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

KOOXDA ALSHABAAB OO LA WAREEGTAY TARDO EE G/HIIRAAN.

Next
Next

WIIL SOOMAALIYEED OO LOO DILAY $15 GUDAHA MARAYKANKA.