WIIL SOOMAALIYEED OO LOO DILAY $15 GUDAHA MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-SINCER MALIK PORTER
(MINNEAPOLIS)-Qiimaha $15 ayaa laga yaabaa inuu u ekaado mid aan badneyn laakiin mid ka mid ah aqal ku yaalo Minneapolis, waxa uu isu beddelay mid dhiig daadsan yahay meydna uu dhexyaalo ka dib markii muran uu ka dhex qarxay laba wiil oo wada deganaay. Sincir Malik Porter, oo 21 jir ah, waxa uu wajahaya laba dacwadood oo ah dil darajada labaad ah, ka dib markii lagu eedeeyay inuu toorey ku dilay Cabdiraxmaan Aadan Cabdiraxmaan oo 25 jir Soomaali ah, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray. Waxa uu ku sii jirayaa Xabsiga degmada Hennepin halkaas oo lagu haynayo ilaa uu ka bixiyo $1 milyan oo dmaanad ah, taaso lagu bixinaayo diiwaannada Xabsiga qaab online ah. Booliska oo ka jawaabayay qeylo ka soo yeertay ciwaanka Hiawatha Avenue Axadii isla markiiba waxay arkeen "dhiig badan oo dabaqa iyo gidaarada qolka fadhiga ku yaal”waxayna si deg deg ah u soo heleen mindi dhiig ku leh daabka qeybta hore ee guriga, sida lagu sheegay bayaanka. C/raxmaan ayaa qoorta looga dhuftay Mindida,booliisku wuxuu yiri; Marxuumka ayaa waxaa loola cararay isbitaal ka agdhaw si halkaasi loogu badbaadiyo laakinse halkii ayuu ku geeriyooday. Qof ayaa la sheegay in qolka saddexaad oo goobta ku sugnayd ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan "iftiimiyey" Goobjoogayaal ayaa la sheegay in ay booliiska u sheegeen in 21-sano jirku uu qoorta Tooreey ka galiyay saaxiibkiis goobtana ka baxsaday, kamarada qarsoon ee guriga ku jirtay ayaa xaqiijisay wixi ka dhacay gudaga guriga,sidaas waxa lagu sheegay qoraalka Booliska. Labada nin ayaa laga maqlayay iyagoo ku "Murmaayo lacag dhan $15" oo ay ku doodayaan, sida lagu sheegay bayaanka. Gacan ku dhiiglaha ayaa la arkayay isagoo mindi sita intii uu muranku socday,ka dibna gacmaha is beddelaya oo uu mar qudha tooriyeeyay saaxiibkiis.[Cabdiraxmaan] waxa uu u muuqday inuu dagaal galay ka hor inta aanu ogaanin in mindi lagu dhuftay oo uu dhulka ku dhacay," booliiska Minneapolis ayaa qoray. Markii ay booliisku ku daba-bexeen kan wax dilay ayey meel kale oo xaafadda ah ku arkeen, waxa uuna la u sheegay askarta oo uu ku yiri, "Haa, waad i heshay." Ka dib markii la akhriyay xuquuqdiisa Miranda, dilaha waxa uu qirtay inuu tooreeyey C/raxmaan, waxaanu yiri "Waxa aan horay ugu fikiray inaan dilo [Abdirahman] iyo asxaabtiisa kale." "Dilaaga wuxuu sheegay in dad kale ee la deganaay iney nasiib badan yihiin waayo ima eysan soo aadin," booliisku ayaa qoray. Dilka ka dhacay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka ayaa ah mid aad looga wada naxay markii la maqlay waayo dilalka ka dhex dhaca dhallinyarada Goolkaas ayaa ah kuwa soo noqnoqda mar kasta,balse dilkaan waa mid uu geystay nin African-American ee kama dhex dhicin Soomaalida dhallinyaradeeda.
XIG-PEOPLE.