KOOXDA ALSHABAAB OO LA WAREEGTAY TARDO EE G/HIIRAAN.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(HIIRAAN)-Argagixisada AL-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, waxana ay wadaan qorshe ay hore ugu barakiciyeen kumannaan qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada. Tardo, oo ah isgoys muhiim ah oo isku xira xarumaha waaweyn ee magaalooyinka, ayaa ku dhacday gacanta ALshabaab Axadii ka dib markii dagaalyahannada AL-Qaacida ee AL-Shabaab ay ka saareen dagaalyahannada Aabaa'ilka dawladda ee xulafada la ah, Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi ayaa u sheegay Reuters. AL-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii ka waday Soomaaliya dagaallo ay ku doonayeen in ay ku afgambiyaan dowladda dhexe ee caalamku taageero, isla markaana ay sameystaan maamul u gaar ah oo ay ku saleeyaan sida adag ee ay u fasirteen shareecada Islaamka. "Kooxdu waxay ku sii siqayaan deegaanno kale ka dib qabsashada Tardo," ayuu yiri Cabdullaahi. Ciidamada Soomaalida iyo dagaalyahanada beelaha deegaanka ee loo yaqaan Macwiisleey, ayaa wada abaabul dagaal ayuu hadalkiisa ku daray. Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka, Dagaal-yahano Beeleed iyo Xildhibaan ka tirsan Gobolka ayaa xaqiijiyay qabsashada Tardo-taasoo AL-Shabaab ka caawin karta in ay u sii gudbaan magaalooyinka kale ee waa weyn. Weerarada AL Shabaab ay ka geysanayaan Gobolkaasi ayaa sii kordhay tan iyo horaantii sanadkan. Horumarkii hore ayaa lagu gaaray meel 50 km (30 mayl) u jirta caasimadda qaranka ee Muqdisho, inkastoo ciidamada Soomaaliya ay dib u qabsadeen tuulooyinkaas. "Dadka reer Hiiraan waxaan kala hadlaynaa qorshaha dib looga qabsanayo AL-shabaab," ayuu yiri Cabdullaahi. Ku dhawaad 100 askari ayaa la geeyay si ay u xoojiyaan dagaalyahanada deegaanka, ayuu raaciyay. Xildhibaan Daahir Amiin Jwwsaw oo ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 12,500 oo qoys ay ka qaxeen Tardo iyo magaalada Muqokori ee ku dhow, halkaasoo AL-Shabaab ay sheegtay inay qabsadeen todobaadkii hore. Dagaalka ka soo cusboonaaday DG H/Shabeelle ayaa ah mid si fiican loo soo qorsheeyey waayo degmooyinka labada Gobol ee Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan ayaa intooda badan waxa ey ahaayeen kuwa eysan kooxda ALshabaab maamulin,bale DFS oo ku dhawaaqday in dalka ey ka dheceyso Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa keentay aragtida ah in laga hortago hadafka DFS,waxaane ololahaas qeyb ka ah siyaasiyiin ka soo jeedo degaanka,Ganacsato iyo Odayaal dhaqameed ku kacsan DFS sida ey wax u wado,si kastaba ha ahaatee, DG H/shabeelle ayaa ah meel Istaraatiiji u ah kooxda Argagixisada ALshabaab ee ka dgaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
ISHA-SB-MEDIA.