QARAX LALA EEGTAY CIIDAMADA KENYA OO KA DHACAY GAARIISA.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA G/WAQOOYI-BARI.
(GARRISA)-Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in laba qof ey dhinteen subaxnimadii Isniintii shalay ahayd ka dib markii uu dhacay weerar loo maleynayo iney ka dambeeyaan xubno ka tirsan kooxda AL-Shabaab, qaraxa ayaa dhacay ka dib markii gaari ey wateen dadka degaanka uu jiiray walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay wadada isku xirta Ijara-Bodhai ee ismaamulka Garissa. Dadka dhintay oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo C/qaadir Muxumed Salaad, ayaa la socday gaari nuuciisu yahay Probox kaasoo ku sii jeeday magaalada Boodhaa, xilliga uu dhacaayey Qaraxan dhalliyey khasaaraha badan. Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Bodhai Dubat Maxamed ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in Qaraxan loo maleynayo iney dhulka ku Aaseen Maleeshiyaad bartilmaameedsanayay Roondooyinka Ammaanka ee inta badan isticmaala wadada. "Tani waa dhacdo murugo leh oo nasiib darro ah, waxaan ka shakisanahay in kooxaha weerarka soo qaaday ey beegsanayeen ciidamadeenna ammaanka oo si joogto ah howgallo ilaalo ah uga sameynaya waddadaas," ayuu yiri Maxamed. Dadka deegaanka ayaa soo sheegay iney maqleen jugta Qarax xooggan, taasi oo keentay in ciidamada ammaanka ey ka jawaabaan. Markii ey yimaadeen, waxay heleen burburkii baabuurka oo googo'ay iyo haraaga labada nin oo daadsan goobta. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay heerka uu gaarsiisan yahay burburka, iyagoo tilmaamaya iney aad u xoogan yihiin walxaha qarxa ee loo adeegsaday. Maxamed ayaa sheegay in ammaanka wadada la adkeeyay, iyadoo howlgal wadajir ah oo ey ka qeyb qaadanayaan ciidamada GSU iyo kuwa gaarka ah ee loo yaqaano SOG la geeyay si loo baacsado kooxihii weerarka soo qaaday. "Waxaan ku raad-joognaa kooxahan dambiilayaasha ah, ciidamadeenu waxay ka hortagayaan meelaha laga shakiyo," ayuu raaciyay, isagoo ku boorriyay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan maamulka oo ey wadaagaan xog kasta oo waxtar leh. Xildhibaanka laga soo doorto Ijara, Cabdi Cali, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid dib u dhac ku yimid dadaallada lagu soo celinayo nabadda gobolka. "Aad baan uga xumahay ugana naxay falkan guracan ee rabshadaha ah, waa mid xanuun badan oo xasuusinaysa khataraha soo food saaray bulshooyinkayada," ayuu yiri. "Waxaan ka codsanayaa hay'adaha ammaanka iney si dhaqso ah wax uga qabtaan, ayna cadaaladda horkeenaan dambiilayaasha." Deegaanka Ijara ayaa waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah oo ey geysanayaan dagaalyahano ka tirsan AL-Shabaab, waxaana taasi loo sababeynayaa iney u dhowdahay Keymaha Boni oo aad u cakiran, kaasoo muddo dheer gabaad u ahaa kooxdaasi. Weerarkan ayaa imaanaya labo maalmood uun ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari John Otieno uu sheegay in Gobolka laga dareemayo xasillooni, iyadoo aysan jirin wax shil ah oo dhowaan dhacay. Qaraxii dhimashada badnaa ee Isniintii ayaa hadda shaki gelinaya qiimeyntaas.
ISHA-STAR.