QARAX LAMU KA DHACAY OO 3-ASKERI LAGU DILAY.
(SAWIRKA0-CIIDAMADDA DIFAACA KENYA.
(LAMU/KENYA)-Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay Talaadada maanta ah 15-kii July, halka toddobo kalena ey dhaawacyo ka soo gaareen Qarax lagula eegtay gaari ey saarnaayeen oo marayay wadada Kiunga iyo Sankuri ee Gobolka Lamu. Tani waxay dhacday ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay deegaanka Badaah, sida ay sheegeen booliiska iyo goobjoogayaal. Sida uu sheegay Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Bari ee Lamu George Kubai, askartan ayaa ka soo laabtay Sankuri, halkaasoo ey ku daabulayeen asxaabtooda, waxaana gaarigoodu uu ku dhacay aaladda qarsoon. Askarta ku dhaawacantay Qaraxa ayaa loo daad gureeyay isbitaalka Kiunga, iyadoo dhanka kale uu bilowday howlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo dadkii ku howlanaa sameynta walxaha qarxa, iyadoo dadka deegaanka ey sheegeen in goobtaasi ey soo food saartay halis Argagaxiso. Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo kaashanaya booliiska deegaanka ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas. Saraakiisha ammaanka ayaa xoojinaya roondooyinka iyo koontaroolada laga soo galo wadada isku xirta Kiunga iyo Sankuri. Dhammaadkii Todobaadkan, Taliyaha Ciidanka Kenya, Lt Gen David Ketter, ayaa booqday deegaanka. Lt Gen Ketter ayaa booqasho ku tagay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo sidoo kale howlgalka Amani Boni (OAB) ee gobolka Lamu. Booqashooyinka ayaa ahaa mid lagu xoojinayo laguna ilaalinayo niyada ciidamada iyo sidoo kale qiimeynta howlgallada socda. Lamu ayaa waxaa ku sugan howlgalka Amani Boni, kaasi oo loogu talagalay in lagu saaro kooxaha burcadda ah ee AL-Shabaab ee ka howlgala deegaanadaasi. Lamu ayaa sanado badan waxaa ka dhacayay weeraro Argagixiso oo lala beegsaday dadka deegaanka iyo saraakiisha amaanka. Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay Mpeketoni iyo Kibaoni habeenimadii Juun 15, 2014, markaasoo in ka badan 90 qof lagu dilay. Aagga ayaa waxaa ka socda howlgal gaar ah oo loogu magac daray Linda Boni si looga sifeeyo Argagixisada. Qaraxan ka dhacay Lamu ayaa imaanaya ka dib markii subaxnimadii Isniinta labo qof lagu dilay weerar loo maleynayo iney ka dambeeyaan xubno ka tirsan kooxda AL-Shabaab ka dib markii gaari ey wateen uu jiiray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay wadada isku xirta Ijara-Bodhai ee ismaamulka Garissa. Dadka dhintay oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo C/qaadir Muxumed Salaad, ayaa la socday gaari Probox ah oo ku sii jeeday magaalada Boodhaa, xilliga uu qaraxan khasaaraha badan dhaliyay. Guddoomiye ku xigeenka degmada Bodhai Dubat Maxamed ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in qaraxan loo maleynayo in ay aaseen maleeshiyaad bartilmaameedsanayay roondooyinka ammaanka ee inta badan isticmaala wadada. "Tani waa dhacdo murugo leh oo nasiib darro ah, waxaan ka shakisanahay in kooxaha weerarka soo qaaday ay beegsanayeen ciidamadeenna ammaanka oo si joogto ah howgallo ilaalo ah uga sameynaya waddadaas," ayuu yiri Maxamed. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay heerka uu gaarsiisan yahay burburka, iyagoo tilmaamaya iney aad u xoogan yihiin walxaha qarxa ee loo adeegsaday. Maxamed ayaa sheegay in ammaanka wadada la adkeeyay, iyadoo howlgal wadajir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada GSU iyo kuwa gaarka ah ee loo yaqaano SOG la geeyay si loo baacsado kooxihii weerarka soo qaaday. "Waxaan ku raad-joognaa kooxahan dambiilayaasha ah, ciidamadeenu waxay ka hortagayaan meelaha laga shakiyo," ayuu raaciyay, isagoo ku boorriyay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan maamulka oo ay wadaagaan xog kasta oo waxtar leh. Xildhibaanka laga soo doorto Ijara, Cabdi Cali, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid dib u dhac ku yimid dadaallada lagu soo celinayo nabadda gobolka.
XIGASHO-STAR.