DAGAALKII DHAHAR EE MAANTA YAA LOOGA ADAADAY, SABABTA?
(SAWIRKA)-KULANKII LAASCAANOOD.
(LAASCAANOOD)-Wararka laga helaayo Caasimadda Gobolka Sool ee DG SSCkhatumo ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi Cali Xirsi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha XFS Xil. C/laahi Bidhaan Warsame ey si wadajir ah kulan ula qaateen mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC. Kulanka ayaa looga hadlay howlaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, muhiimadda Nabadda, Wadajirka iyo Ilaalinta Midnimada. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa magaalada Laascaanood kulan kula qaatay Guddi Isimo ah oo ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed(DDS) isla markaana uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Wiilwaal. Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay howlaha nabadeynta ah oo ey Guddiga Isimida u yimaadeen SSC-Khaatumo, iyadoo kulanka ey qayb ka ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyo masuuliyiin kale. Wararka hadda inaga soo gaaraya degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeyo Ciidamadda DG Puntland iyo kuwa degaanka Maakhir. Sida ey soo sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamadda Puntland ey weerar ku soo qaadeen kuwa Maakhir, waxaane ka dhashay dagaalkii maanta dhacay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah. Warar aan la xaqiijin oo ey heshay Warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegaayo in dagaalkii maanta ka dhacay Dhahar lagu dilay Taliyihe ka tirsan ciidanka PMPF ee Imaaraatku tababaray, waxaane dagaalka ku dhintay inta la xaqiijiyey ilaa 8-askeri kuwaaso lix ka mid ah ey yihiin kuwa ka tirsan ciidmadda Puntland halka laba ey yihiin ciidamadda degaanka Maakhir. Sida uu ku bilawday dagaalka Dhahar ayaan la sheegi karin balse DG Puntland Wasiirkeeda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa ku eedeeyey DFS iney iyadu ka dambeyso dagaalka maanta ka dhacay Dahahar, waxa uuna soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlaayo dagaalka Dhahar.
HALKAN KA AKHRISO QORAALKA JUXA: