SIRDOONKA ITOOBIYA OO SOO QABTAY 82-QOF OO LALA XIRIIRINAAYO DAACISH.
(SAWIRKA)-ASTAANKA HAYADDA SIRDOONKA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda daka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka(NISS) ey maanta ku dhawaaqday iney gacanta ku dhigtay 82 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish (Kooxda hubeysan ee xagjirka ah) oo loo shaqaaleysiin jiray howlgallada Argagixiso ee dalka Itoobiya. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ey Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISS) u dirtay Wakaaladda Wararka u faafiso Itoobiya ee ENA, waxaa la sameeyay baaritaanno la xiriira dadaallada garabka Soomaaliya ee Daacish ee ka howlgala Puntland ey ku doonayaan iney ku ballaariyaan, isla markaana ey unugyo ka sameystaan kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan dalal kala duwan iyo Itoobiya. NISS, ayaa sheegtay iney si dhow ula socotay bilowgiiba isku dayga Kooxda Daacish ee Somalia ku doonaysay iney Shabakad Argagixiso ka abuurto dalka Ethiopia, waxa ey tilmaantay in Qiimaynta joogtada ah ee heerka Khatarta lagu ogaaday natiijooyin la taaban karo oo sababi kara baylahda iyo khatarta amni ee Qaranka. 82 Eedeysane oo lagu soo tababaray Puntland, lana kala geeyay Gobolada dalka ayaa la aqoonsaday, waxaana la soo qabtay iyagoo kaashanaya Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa Nabadsugida Gobolka. Warku wuxuu intaa ku daray in la hayo tuhmanayaal xiriir toos ah la lahaa kooxda Daacish, isla markaana taageero buuxda siin jiray, gaar ahaan shakhsiyaad ey soo abaabuleen garabka sirdoonka ee kooxda Argagixisada ah ee caalamiga ah, isla markaana taageero dhaqaale iyo qalabba siin jiray. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kooxaha Argagaxisada ah ey gabaad ka dhigtaan machadyada diinta lagu barto si ey u faafiyaan hadafkooda wax-burburinta ah iyo iney dad qortaan, waxayna xustay in cadeymo la taaban karo laga helay manhajkooda faafitaanka ah oo meesha ka saaraya midnimada iyo qiyamka nabad ku wada noolaanshaha shacabka, hurinaya colaad iyo fowdo. Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay Addis Ababa, agagaarka Sheger City ee Oromia, Adama, Haromaya, Shashemene, Bale, Jimma iyo Shakiso. Magaalada Xalaba Kulito waxay ku taal aagga Silte. magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyo gobolka Harari. Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay iney tahay mid ku dayasho mudan ka qeybqaadashada shacabka deegaanka iyo Hay’adaha Amniga howlgalka lagu soo qabtay shaqsiyaadkaas. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka(NISS) ayaa ugu dambayntii sheegtay iney sii socon doonto dabagalka xubnaha Argagixisada ah ee aan gacanta lagu soo dhigin, waxayna shacabka ugu baaqeen iney gutaan waajibaadkooda muwaadinnimo, iyagoo talooyin siiya Hay’adaha Amniga oo ey khusayso marka ey arkaan xaalado ey ka shakiyaan oo nabadda khalkhal galin kara, khatarna ka abuuri kara deegaannadooda.
ISHA-ENA.