SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY TRIPOLI MEDIA DAYS.

(SAWIRKA)-WASIIR DA’AUUD AWEYS.

(TRIPOLI/LIBYA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli. Munaasabaddan oo loo yaqaano TRIPOLI MEDIA DAYS, ayaa lagu martiqaadey oo ka soo qeybgaley Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale. Suxufiyiinta ayaa lagu abaalmarinayey kaalinta ay kaga jiraan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska Libya, kadib dhowr sano oo xaalado adag ay soo martey. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay horumarka iyo dib u soo kabashada Libya, isagoo u rajeeyay horumar iyo xasilooni waarta. Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada dal ee Soomaaliya iyo Libya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer isla markaana ay Soomaaliya daneyneyso in la sii xoojiyo Iskaashiga labada dal, taasina ay marqaati ka tahay booqashii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu tegay Libya bishii February ee sannadka aynu ku jirno ee 2025-ka. Ujeedada Madashaan ayaa ah in la horumariyo Warshadaha Warbaahinta ee dalka Liibiya lana kobciyo isbedelka Dhijitaalka ah,lana abuuronidaam warbaahineed oo taageera xasiloonidda iyadoo diiradda la saaraayo xirfadaha cusub ee warbaahinta.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

SOOMALIYA OO KA HORTAGTAY ASKARAYNTA CARUURTA.

Next
Next

GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO KU SHIRAYA NAIROBI.