GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO KU SHIRAYA NAIROBI.
(SAWIRKA)-XUBNAHA GOLAHA MUSTAQBALKA.
(NAIROBI/KENYA)-Siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay kulan muhiim ah ku yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in xubno badan oo mucaaradka ka tirsan ay halkaasi horey ugu sugnaayeen, kuwa kalena ay u socdaan. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray Nairobi, halkaas oo qaar ka mid ah madaxda mucaaradka ay ku sugnaayeen, iyadoo sidoo kale la filayo in Madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradka ay halkaasi ku biiraan. Wararka ayaa muujinaya in siyaasiyiintan ay magaalada Nairobi kulammo kula yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan hanaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay si weyn u diidan yihiin xubnaha ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan mucaaradka ahi ay beesha caalamka la wadaagi doonaan aragtidooda ku aadan xaaladda dalka, iyagoo adkaynaya muhiimadda ay leedahay in dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda. Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay dib u dhigto shirweynihii mucaaradka ee qorshuhu ahaa inuu bishan ka dhaco magaalada Kismaayo, maadaama mucaaradku doonayaan inay si adag uga hor yimaadaan dhaqangelinta doorashada qof iyo cod ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa hadda si weyn isha loogu hayaa waxa ka soo bixi doona kulammada siyaasadeed ee Nairobi ka socda, kuwaas oo saameyn toos ah ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka xilligan kala guurka ah. Dhinaca kale,waxaa jira warar sheegaayo inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Masuuliyiin ka wada tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed,khilaafka ayaa salka ku haayo ka qeybgalka Farmaajo ee shirka Kismaayo,waxaane Farmaajo diidan inuu ka qeybgalo shirka Kismaayo C/raxmaan C/shakuur, Ex.RW.Rooble iyo Ex.Rw.Khayre,waxaane lagu guul dareystay in xal waara laga gaaro sidii Farmajo uu uga mid noqon lahaa masuuliyiinta ka qeybgeleyso shirka Kismaayo,sidoo kale waxaa iyadana khilaaf kale uu ka taagan yahay cidda Mucaaradka uu dhisi lahaay marka la gaaro Doorasha Madaxtinimada Soomaaliya sannadka 2026-ka,waayo Deni ayaa si cad u diiday inuu u tanaasulo Sheekh Shariif haddii uu ka codad bato,dhammaan arrimaha ayaa dul hoganaayo shirka Nairobi mana la oga waxa ka soo bixi doono. LA SOCO.
XIGASHO/WAKAALADO.