SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA GANACSIGA AFRIKA.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA EE ALJERIS.

(ALGERIA)-Dalka Aljeeriya waxa uu hadda martigelinayaa Carwada 4-aad ee Ganacsiga Intra-Africa(IATF2025) ee magaaladda caasimadda ah ee Aljeris marka laga bilaabo 4/9/25-ka ilaa 10/9/25-ka,iyadoo isu keeneysa in ka badan laba kun bandhigayaal iyo 3,500 qofood oo booqadayaal ah si kor loogu qaado Ganacsiga iyo Maalgashiga hoos yimaado AFCFTA. Munaasabadu waxa ey u adeegtaa sidii goob muhiim ah oo lagu soo bandhigo wax soo saarka iyo adeegyadda Qaaradda Afrika,kobcinta iskaashiga Ganacsiga iyo kobcinta isdhexgalka dhaqaale ee Qaaradd Afrika oo dhan,halku dhega Carwada ee sannadka ayaa ah “BUUNDADA LOO MARO FURSADO CUSUB”. Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa ka qayb galay wadahadalka Wasiirrada ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) oo lagu qabtay bandhigga #IATF2025 ee Aljeeriya. Shirka oo uu martigeliyay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee ALjeeriya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee AfCFTA iyo Wasiirro kale oo Afrikaan ah, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda hirgelinta wax ku oolka ah ee heshiiska si loo xoojiyo Warshadeynta, shaqo abuurka iyo fududeynta Ganacsiga Gudaha ee Qaaradda.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DUQEYN CULUS OO LALA BEEGSADAY XERO ALSHABAAB KU LEEYIHIIN BARIGA G/GADUUD.

Next
Next

GUDOOMIYAHA GAARISA/KENYA OO LAGU SOO OOGAY DACWAD MUSUQ LA XIRIIRTA.