GUDOOMIYAHA GAARISA/KENYA OO LAGU SOO OOGAY DACWAD MUSUQ LA XIRIIRTA.

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE NADIF JAMAC.

(NAIROBI/KENYA)-Gudoomiyaha Gaarisa Nadif Jaamac ayaa ka soo hor muuqday guddiga Anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) si looga dhegeysto warbixin la xiriirta baaritaan la xiriira lunsashada lacag dhan (1.2)- bilyan oo Shillinka Kenya ah. Guddoomiyaha ayaa loogu yeeray Warqad ku Taariikheysneyd Agoosto 19, 2025, si uu uga jawaabo Eedeymaha la xiriira lunsiga lacagaha degmada iyo habdhaqan shaqaalaha shaqaaleyntooda ah oo aan caadi ahayn oo ka dhex jira Dowladda Ismaamulka Gaarisa intii u dhaxeysay bishii Oktoobar 2022 iyo Juun 202. "Guddiga ayaa baaraya Eedeymaha ku saabsan lunsashada Hantida dadweynaha iyo Qoritaanka aan joogtada ahayn ee shaqaalaha maamulka Gaarisa laga bilaabo Oktoobar 2022 ilaa Juun 2024," ayaa lagu yiri warqadda Gudiga EACC. Xudunta baaritaanka ayaa ah sheegashada shaqaale Qorista oo aan caadi ahayn iyo bixinta in ka badan (700)-Milyan oo shilin oo mushaar ah oo la siiyay shaqaalaha shaqaale aan jirin oo lagu Eedeeyay iney ku jiraan liiska mushaharka Gobolka. Gudoomiye Nadif Jamac ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan iskahorimaadka suurtagalka ah ee ku aaddan bixinta Qandaraasyada (265)-milyan oo shilinka ah ee Takaful Insurance of Africa Ltd iyo Tina Gardens Hotel oo ah laba shirkadood oo la sheegay in isaga lala xiriiriyay. Walaaca dheeraadka ah ee ey soo bandhigeen Guddiga ayaa waxaa ka mid ah (188)-milyan oo shilinka dalka ah oo la siiyay shirkadda Jubalink Logistics and Transport ee dhismaha darbiga kaasoo laga dhisayo dugsiga hoose dhexe ee Gaarisa, iyo sidoo kale 110 milyan oo Shillin ayuu heshiis kula galay shirkadda Remera Investments Limited taaso dhiseysa Terminal-ka Gaariisa Airstrip. Baaritaannada ayaa ah kuwa weli socda iyadoo EACC ey raadinayso iney caddayso inta uu le'eg yahay fal-dambiyeed kasta oo ey soo ceshato wixii Hanti Dadweyne ah ee ku luntay jidkaas.

XIGASHO-EV.

Next
Next

DALKA AUSTRIA OO BILAABAY INUU DIB U SOO CELIYO QAXOOTIGA.