DUQEYN CULUS OO LALA BEEGSADAY XERO ALSHABAAB KU LEEYIHIIN BARIGA G/GADUUD.

(SAWIRKA)-DIYAADAHA DAGAALKA.

(G/GADUUD)-Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ee Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaayo in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ey Howlgal Qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-Lahelay iyo Ceel-Garas ee dhaca Bariga Gobolka Galguduud. Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12-Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan Horjoogayaal, halka 13-kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday Xarun lagu diyaarinayey in ka badan 400-dhallinayara la soo khalday oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud. Maalmo ka hor ayey ahayd markii baraha bulshada ey ka soo muuqdeen dad odayaal ah una ekaa kuwa la soo qasbay kuwaaso sheegay in beelaha dega Bariga Gobolka G/Gaduud yihiin kuwa u diyaar ah iney la shaqeeyaan kooxda ALshabaab kana soo horjeedaan hawlgaladda ey hormuudka ka tahay DFS.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DEGMADA GAARIISA OO LA DAALAA DHECEYSO TAHRIIBINTA DHALLINYARADA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA GANACSIGA AFRIKA.