SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY MADASHA BEIJING EE MILETERIGA.

(SAWIRKA)-WASIIE FIQI OO FADHIYA MADASHA.

(BEIJING)-Wararka laga helaayo caasmadda dalka Shiinaha ee Bekiin ayaa sheegaayo in Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, eyka qeyb galeen furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ey isugu yimaadeen Wasiirada Gaashaandhiga iyo Ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka Madashaan Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay. Madashan, ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan Amniga Caalamiga ah, Iskaashiga Milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee Nabadda iyo Xasilloonida. Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”. Waxaa Madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 Ergo, oo isugu jira Wasiirro, Saraakiil ciidan, Khubaro iyo Wakiillo ka kala socda Ururo Caalami ah. Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo Wadahadallada Caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka Amniga iyo Iskaashiga dalalka dunida,Madashan ayaa ku soo beegmeysa xilli ey cirka isku sii shareereyso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeyso Washington iyo Beijing ka hor shirka Madaxeedka Suurtagalka ah ee Hogaamiyeyaashooda sannadka dambe.

XIGASHO SNTV.

Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO SHEEGAY IN JUBALAND LAGA QABANAAYO DOORASHO QOF IYO COD AH.

Next
Next

GOLAHA XIRIIRKA ISLAAMKA EE MINNESOTA OO SOO DHAWEEYEY..