RW-XAMSE CABDI BARRE OO SHEEGAY IN JUBALAND LAGA QABANAAYO DOORASHO QOF IYO COD AH.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md.Xamse Cabdi Barre, uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhowaan la bilaabi doono Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Doorashooyinka Qof iyo Cod ah ee ka dhici doona deegaanada DawladGoboleedka Jubbaland. Raysal Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo sheegay in dhammaan Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ey haatan ku howlan yihiin hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha si loogu gudbo marxaladda Doorashooyinka Dowladaha Hoose.RW-Xamse Cabdi Barre wuxuu carabka ku adkeeyay in diiwaangelintani Ey tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda Dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed si ey codkooda u dhiibtaan. “Jubbaland waxay dhowaan ka bilaabmi doonta diiwaangelinta codbixiyeyaasha si shacabka gobolkaasi u helaan xuquuqdooda codbixineed,” ayuu yiri Raysal Wasaaruhu. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa iney qabato doorashooyin Qof iyo Cod ah bisha Oktoobar ee sanadkan 2025, si loo dhiso Hay’adaha Dowladaha Hoose loona xoojiyo dimuqraadiyadda dalka. Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Jubbaland ayaa loo arkaa iney tahay tallaabo muhiim u ah kor u qaadista ka qeybgalka siyaasadeed ee shacabka, isla markaana lagu dhisayo nidaam doorasho oo hufan oo loo dhan yahay. Raysal Wasaare Xamse ayaa muujiyay sida ey dowladda uga go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland loo siiyo fursad ey codkooda ku dhiibtaan, taasoo ka tarjumeysa dadaalka lagu dhisayo Dowladnimada iyo Xasiloonida Siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta doorashooyinka Qof iyo Cod iney yihiin dariiq muhiim ah oo lagu gaari karo dowlad-wanaag, isla markaana lagu horumarin karo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka.
ISHA-HOL.