MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY BANDHIGA WAXQABADKA XUKUUMADA DANQARAN.
(SAWIRKA)-MW XASAN OO KA QEYBGALAY…
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdosho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025). Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha muuqda ee xukuumaddu ey ka soo hooysay dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ey ku mideysan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka iney mudnaan gaar ah siineyso xoojinta Amniga dalka, dhismaha Hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada si loo xaqiijiyo nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo ey ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre dedaalka joogtada ah iyo ka go' naanshaha ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ey codkooda ku doortaan mataleyaashooda, isaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ey sii xoojiyaan garab istaagga dowladdooda, si guulaha la gaaray loo sii ballaariyo.
ISHA-SNTV.