MARAYKANKA OO DIIDMADA QEYAXAN U ISTICMAALAY JOOJINTA DAGAALKA GAZA.
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA QM.
(NEW YORK)-Wararka ka imaanayo Xarunta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in Maalinta oo Khamiis ah, dalka Mareykanka uu adeegsaday Codka Diidmada Qayaxan ee VETO si uu u diido Qaraar Qabyo ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku dalbanayo Xabbad-Joojin ka dhacda Gaza, Gelitaanka Gargaarka, iyo sii deynta la Haystayaasha. Wakiilka Maraykanka ee Golaha ayaa ka soo horjeestay Qaraar Qabyo ah oo cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoo sheegtay in "Israa'iil iyo Xamaas aan la simin karin." "Xamas waa in ey si deg deg ah isu dhiibto oo ey sii daayaan la Haystayaasha," ayay tiri. Waxay sii wadataa: "Mareykanku wuxuu sii wadaa inuu la shaqeeyo saaxiibadiisa si loo soo afjaro khilaafkan naxdinta leh." Qaraarkan qabyada ah oo ey soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee la doortay ee ka kooban 15-ka Xubnood ee Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la Haystayaasha u xiran Xamaas iyo kooxaha kale.
MASHRUUCU WUXUU HELAY TAAGEERADA 14-XUBNOOD:
Waa markii lixaad ee Mareykanka uu Codka Diidmada Qayaxan ee Veto-ga u adeegsado Golaha Ammaanka, taasi oo ku saabsan dagaalka Gaza oo laba sano ku dhawaad socday. Diblomaasi reer Yurub ah ayaa yiri, "Inaan waxba la samaynin waxay u fududaanaysaa dadka Maraykanka ah, kuwaasoo aan u baahnayn iney caddeeyaan mawqifkooda 14-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka (UN) iyo ra'yiga dadweynaha," ayuu yiri dublamaasi reer Yurub ah, isaga oo diiday fikradda ah inaan waxba la samayn iyaga oo ka baqaya Diidmada Qayaxan ee Maraykanka. "Tani wax badan kama caawinayso Falastiiniyiinta dhulka, laakiin ugu yaraan waxaan sii wadeynaa inaan muujino inaan isku dayeyno," ayuu raaciyay. Diidmada Qayaxan ee hore ee Maraykanka ayaa caro ka dhex dhalisay 14-ka Xubnood ee kale ee Golaha Ammaanka, kuwaasoo si isa soo taraya u muujinaya sida ey uga xun yihiin guul-darrooyinka ey Israa’iil ku cadaadisay iney soo afjarto dhibaatada dadka rayidka ah ee Gaza. Tel Aviv ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo lagu joojinayo dagaalka ka dhashay weerar ey Xamaas ku qaadeen 7-dii October 2023-kii. Bishii Agoosto, khubaro xiriir la leh Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay macluusha ka jirta qaybo ka mid ah Marinka Gaza, laakiin Israa’iil waa ey beenisay arrintaas, waxayna Xamaas ku eedaysay iney dhaceen gargaar. Talaadadii, guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Israa'iil ku eedeeyay iney "xasuuq" ka geysatay Gaza, warbixin ey Tel Aviv ku tilmaantay "Mid xag-jir ah iyo marin-habaabin ah." Sannadkii 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Gaashaandhigga, Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah Aadanaha.
XIGASHO AL-CARABIYA.