GOLAHA XIRIIRKA ISLAAMKA EE MINNESOTA OO SOO DHAWEEYEY..
(SAWIRKA)-NINKII GUBAY MASAAJIDKA MINNESOTA.
(MINNEAPOLIS)-)-Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ee Gobolka Minasoota (CAIR-Minnesota) qaybtiisa Gobolka Minnesota ey maanta soo dhawaysay qirashada dambiga ah ee Jackie Rahm Little, oo 36 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay Argagixinta bulshada Muslimiinta ah ee lagu gubay Masaajido badan.Horaantii maanta, Little waxa uu galay qirasho dembi ah intii lagu jiray Beddelka Dhageysiga Dacwadda ee Maxkamadda 13E ee Minneapolis Federal Courthouse ee Cinwaakeedu yahay (300 South Fourth Street, Minneapolis, MN 55415) ka hor Garsoore Ann Montgomery. Dhageysiga ka dib, CAIR-Minnesota, Hogaamiyayaasha Bulshada, iyo xubnaha saameynta ku leh Bulshada Muslimiinta ayaa ka hadlay muhiimada isla xisaabtanka waxayna muujiyeen walaaca joogtada ah ee ku saabsan badqabka guryaha cibaadada ee Gobolka Minnesota. "Weeraradan rabshadaha wata waxaa loola jeeday in lagu beero cabsi, balse taa beddelkeeda waxay xoojiyeen go'aanka bulshadeena," ayuu yiri Agaasimaha Fulinta ee CAIR-MN Jaylaani Xuseen. "Markii aan ku sugnaa gudaha xarunta Raxman(Mercy Center) oo ka jawaabayay weerarkii maalin ka hor, waxaan xusuustaa in caruurtii laga soo saaray goobaha lagu xanaaneeyo laguna soo daad gureeyo dadkii ku cibaadeysanayay Masaajidka. Weerarkani wuxuu Argagax galiyay bulshadeena, maantana waxaan bilaabaynaa cutubka xiga iyadoo kiiskani uu horay u sii socdo, waxaan soo dhaweyneynaa isla xisaabtanka waxaana sii wadi doonaa inaan u doodno isbedel iyo ilaalin weyn oo loogu talagalay guryaha cibaadada ee Gobolka Minnesota." Sida ku cad dukumentiyada Maxkamada, Abriil 23, 2023, saacadu markay ahayd 7:00 fiidnimo, Little waxa uu dab qabadsiisay Musqul gudaha Masjidka Cumar Islamic Center. 24-kii Abriil, Little,wax yar ka hor 7:00 fiidnimo, waxaa laga soo duubay muuqaal ilaalo ah oo soo galaya Masjidka AL-Raxma (Xarunta Mercy). Wax yar ka dib dab ayaa ka kacay dabaqa 3aad ee Masjidka, waxaana dabku uu xoog ku qabsaday dhismaha, xilli ey ku sugnaayeen dad cibaadeysanayay iyo caruur. Waxaa Little la xiray Abriil 29, 2023, gudaha Mankato. Waxaa lagu soo oogay hal dambi oo ah dab qabadsi iyo hal dambi oo hanti diineed uu geystay ka hor inta uusan maanta gelin qiraalkiisa. CAIR-MN waxa ey xustay in falalka Little ey qayb ka yihiin kor u kaca weerarada ka dhanka ah Masaajidda iyo machadyada Muslimiinta ee Minnesota iyo dalka oo dhan. Ururku waxa uu ugu baaqayaa Masuuliyiinta Dawladda, sharci fulinta, iyo Hogaamiyayaasha bulshada iney mudnaanta siiyaan badqabka Xarumaha Diinta iyo in wax laga qabto kororka dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta.
XIGASHO-TUSMO TIMES/MINNEAPOLIS.