PUNTLAND OO KA DAMBEYSAY DILKII SULDAAN CUMAR CABDULLAAHI CABDI IBRAAHIM.

(SAWIRKA)-GAARIGII AFRICOM DUQEYSAY SABTIDII.

(AFRICOM)-BREAKING NEWS: War uu hadda soo saaray Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM Ayaa u qornaa sidan: Iyadoo la kaashanaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa duqeyn dhinaca cirka ah la beegsaday xubno ka tirsan kooxaha hubka u iibiye kooxda ALshabaab, taariikhdu markeey ahayd 13-kii bishaan Sebtembar-2025-ka. Africom ayaa sheegtay in duqeynta dhinaca cirka ah ey ka dhacday agagaarka magaaladda Badhan ee Gobolka Sanaag. Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ey wehliyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sii wada tallaabooyin hoos loogu dhigaayo awoodaha ciidan ee kooxaaha Argagixisada ALshabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya,kooxahaan ayaa waxa ey handadaad ku hayaan Maraykanka ciidamadiisa iyo Mawaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dibadda dalka Maraykanka Duqeyntaan dhacday maalintii Sabtida ahayd ee ina soo dhaaftay ayaa dhalisay ismaan dhaaf aad u xoogan una dhexeeyo Beesha uu ka soo jeedo shaqsiga lala beegsaday duqeynta iyo maamulka Puntland oo hagaayey weerarka dhinaca Cirka ah, waxaane degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka dhacay banaanbax aad u weyn oo lagu gubay calanka Puntland iyo kan Madaxweyne Siciid C/laahi Deni,dadka banaanbaxayey waxa ey ku qeylinaayeen Deni ha dhaco isaga ayaa dilay Nabadoon Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim iyo waxyaabo kale.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Previous
Previous

GOLAHA XIRIIRKA ISLAAMKA EE MINNESOTA OO SOO DHAWEEYEY..

Next
Next

50-TAHRIIBAYAAL SUUDAANIYIIN AH OO KU DHINTAY XEEBAHA LIIBIYA.