SOOMAALIYA OO GENEVA KAGA QEYBGASHAY SHIRKA ARRIMAHA QAXOOTIGA CAALAMKA.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOMALIYA.

(GENEVA)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Sadaad Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay Shirka 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR), kaasoo ka socda magaalada Geneva ee Dalka Switzerland. Wafdiga waxaa sidoo kale qayb ka ah Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo saraakiil ka socota hay’adda. Shirka sannadlaha ah ayaa ah madal caalami ah oo lagu gorfeynayo xaaladaha Xaxootiga dunida, laguna soo bandhigayo yabooha iyo taageerada loo baahanyahay si wax looga qabto baahiyaha Qaxootiga iyo dadka nugul. Furitaanka shirka waxaa hadal ka jeediyay Madaxa Guud ee Hay’adda UNHCR, Mudane Filippo Grandi, kaasoo ka hadlay xaaladda adag ee dadka Qaxootiga ah iyo hoos u dhaca dhaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo ee caalamka. Inta uu socdo shirka, Wasiir Saadaad iyo Guddoomiye Axmed waxay kulamo gaar ah la yeelan doonaan Madaxda iyo Wakiillada dalalka iyo Hay’adaha ka qeyb galaya shirka, iyagoo diiradda saaraya sidii xal waara loogu heli lahaa Qaxootiga ku nool Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay iney dalkooda dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan kala kulmay dalal shisheeye, iyadoo weli si joogto ah u waddo dadaallo lagu doonayo in xal waara loogu helo qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

AFRICOM OO HAWLGAL KA FULISAY BUURAHA GOLIS EE G/BARI.

Next
Next

SHIR LOOGA HADLAAYEY AMNIGA QARANKA OO MUQDISHO KA FURMAY.