SHIR LOOGA HADLAAYEY AMNIGA QARANKA OO MUQDISHO KA FURMAY.
(SAWIRKA)-SHIRKA AMNIGA.
(MUQDISHO)-Xafiiska Amniga Qaranka (XAQ) Soomaaliya ayaa qabtay kulan socondoona sadex maalmood kaasoo ey ka qayb galayaan wakiilo ka socda Xafiisyada Amniga Dowlad-Goboleedyada. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa diyaarinta hindise-sharciyeed ku saabsan dhismaha Guddiyada Amniga Dowlad-Goboleedyada,si loo xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka.kulanka ayaa u jeedooyinka laga leeyahay waxaa ka mid ah:
1. In la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay.
2. In la qeexo hawlaha guddiyada amniga heer Federaal iyo heer dowlad-Goboleed si loo dheellitiro baahida Amniga gudaha iyo ilaalinta Madax-bannaanida.
3. In la horumariyo habraacyo isku-xiran oo siyaasadda iyo go’aan qaadashada u dhexeeya Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
4. In la dhiso sharci aasaasi ah oo qeexaya awoodaha, qaab-dhismeedka xubinnimada, iyo hababka wada-shaqaynta.
5. In la abuuro habab isla-xisaabtan oo wax ku ool ah si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn.
Dhamaadka kulanka, waxaa la filayaa in ka-qaybgalayaashu ey ka gaaraan faham guud oo ku saabsan qaab-dhismeedka maamulka Amniga ee Soomaaliya sida uu dhigayo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee 2023, isla markaana ey ku heshiiyaan mabda’a wada-shaqeyn iyo is-koordinayn oo u dhexeeya Xafiiska Aminga Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada. Kulankan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa kalsoonida iyo lahaanshaha siyaasadeed ee hay’adaha Amniga Soomaaliyeed si ey u hoggaamiyaan wajiga xiga ee dib-u-habeynta Amniga iyo Xasilinta nabadda dalka.
XIGASHO-SNTV.