AFRICOM OO HAWLGAL KA FULISAY BUURAHA GOLIS EE G/BARI.

(SAWIRKA)-AFRICOM.

(PUNTLAND/SOMALIA)-War aad u kooban uu soo saaray taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayuu ku sheegay Iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, in Taliska Mareykanka ee Afrika uu qaaday weerar dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Argagixisada ee Daacish-ta Soomaaliya taariikhdu markeey ahayd Oct. 3, 2025,kuna beegneed maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay. Duqeynta ayaa ka dhacday Agagaarka Buuraha Golis oo qiyaastii 60 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland.  AFRICOM, oo ey weheliyaan Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxay sii wadayaan tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda ISIS-Somalia oo ey ku handadayaan dhulka iyo dadka Maraykanka, ciidamadeena iyo muwaadiniinteena ku sugan dibadda. Africom ma eysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka inta uu la eg yahay,waxaase horay u dhacday weerar kan la mid ah lagu dilay nin la sheegay inuu yahay Nabadoon ka soo jeeda Gobolka Sanaag,kaaso lagu sheegay inuu hubka u iibiyo kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland.

XIGASHO-AFRICOM.

Next
Next

SOOMAALIYA OO GENEVA KAGA QEYBGASHAY SHIRKA ARRIMAHA QAXOOTIGA CAALAMKA.