SOOMAALIYA OO BURBURISAY KOOXDA C6+.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(MUQDISHO)-War xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadii ey dalka ka heysay looga joojiyey kooxda loo yaqaano C6+ taaso in muddo ah dalka Soomaaliya Siyaasadiisa iyo dawlad dhiskiisa si fiican ugu lug leheed marka laga soo bilaabo sannadkii 2010-kii ey jirtay Dawladdii Ku Meel Gaarka ahayd ilaa maanta oo la joogo sannadka-2025-ka ey dawaladda Soomaaliya tahay Mid Madax banaan Xubin aan Joogta ahayn ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa muddo loo haystay inuu si ka debecsan nidaamkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Farmaajo ula dhaqmo Wakiiladda Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya kuwaaso maalin walba faragelin qaawan ku sameeya Arrimaha Gudaha ee dalka Soomaaliya laakin talaabadii xalay ey qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa barasho cusub kaa siineysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo nidaamkiisa. Iyadoo maalmahaan ey socdeen warar sheegaayo in Wadamada iyo Ururada la isku yiraahdo C6+ iney ka fekerayaan iney qabtaan shir la isugu keenaayo dhammaan dhinacyad isku haayo Siyaasadda Soomaaliya, waa haddii uu guul dareysto shirka uu ku baaqay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ee lagu wado inuu qabsoomo 15-ka bishaan Juun-2025-ka,ayaa xalay waxaa soo baxday warqad rasmi ah oo ey Dawladda Federaalka Soomaaliya ku burburineyso kuna diiday sii socoshada awoodii kooxda la isku yiraahdo C6+,kooxdaan waxay ka kooban tahay Qaramada Midoobe, Midawga Afrika, Midawga Yurub, IGAD iyo Dawladaha Maraykanka,Ingiriiska iyo dawlado kooban. kooxda C6+ waxaa la dhisay sannadkii 2010-kii iyagoo si gaar ah ugu hawlan arrimha Soomaaliya hadane Madasha ayaa haysata awood gaar ah oo si mideysan ugu wajahan arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya,gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda iyo maamulka Dawadnimadda. Qoraal rasmi ah ey Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah u dirtay Ergayga gaarka ah ee Qaramada ee dalka Soomaaliya Danjire James Swan ayaa lagu sheegay in sii socoshada shaqada kooxda C6+ iney wiiqeyso dawladnimada Soomaaliya,warqadaan rasmiga ah ayaa waxaa ku saxiixnaay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Md.Xildhibaan Cali Balcad ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aaney hadda ku jirin baahidii iyo Marxaladii lagu aasaaasay kooxda C6+ oo ahayd mid nidaamka dawladeed ee Soomaaliya uu jilicsanaa dalkuna uu ku jiray xaalad Ku Meel Gaar ah,laakin ey maanta sidaas ka duwan tahay xaaladda Soomaaliya. Soomaaliya maanta ma ahan dal ku jira xaaladda Ku Meel Gaar ah, waa dal Madax banaan oo leh hayado sharci ah oo shaqeynaayo nidaamka dimuqaraadiyadeed oo qaan gaar ah iyo aragti qaran oo cad oo ku wajahan nabadda iyo horumarka ayaa lagu yiri bayaanka DFS ee lagu muujiyey inaaney Soomaaliya u baahneyn iney sii jirto awoodii gaarka ahayd ee kooxda C6+. Qoraalka DFS waxaa kaloo uu muujinayaa in weli DFS diyaar u tahay iney si gaar ah ula macaamisho dalalkii iyo Ururadii kuwad jiray kooxda C6+,micnuhu waa in si cad loo diiday awoodii dheeriga ahayd iyo iney wadajir u jiheeyaan marxaladda maanta uu dalku taagan yahay. Qaabka ey kooxdaan C6+ u shaqeyn jirtay weligiiba wuxuu ahaa faragelin toos ah,dadka Soomaaliduna mar walba ma jecla faragelinta shisheeyuhu ku haayo dalkooda. Qoraalkan wuxuu si weyn u jilaafayaa qorshihii kooxda C6+ ee ku aadanaa iney iyagu shir gaara u qabtaan kooxaha isku haayo Siyaasadda Soomaaliya taaso haddii ey dhacdo si weyn u fashilineysa nidaamka Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud sidoo kalane dhawaac weyn gaarsiineysa dwladnimada Soomaaliya. Kooxaha Mucaaradka ku ah DFS ayaa si weyn uga raja qabay in awooda dalalka iyo Ururada ku jira kooxdan C6+ iney noqon doonto awooda ugu dambeysa ee ka qaban doonta Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud,balse sida muuqata haatan Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa luqad aan la fileyn kula hadlay kooxda C6+ sidoo kalane ka qaatay go’aan lama filaan ah. Soomaali badan ma aaney aaminsaneyn in Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud sidaan ugu bareeri karo Ajnabiga Xalana fadhiya,waxaane la aaminsanaa inuu dhinaca gobanimo ilaalinta kaga fiicnaa Madaxweyne Farmajo laakin siduu markaan ugu bareeray Ajnabiga ayaa Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud siin karta dareen cusub oo shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa ah. Mucaaradka oo awoodii ugu dambeysay oo ey isku haleynaayeen ey tahay Beesha Caalamka ayaan la ogayn sida ey uga falcelin doonaan qoraalkan,sidoo kala,waxaa la filayaa in dawladaha reer Galbeedka ah iney ka jawaabi doonaan warqadaan ey DFS ku diiday sii socoshada shaqada kooxda C6+ ee dalka Soomaaliya.
ISHA-WAKAALADDO.