JABUUTI OO ISKA DIIDAY IN ITOOBIYA EY SIISO SALDHIG CIIDANKA BADDA AH.
(SAWIRKA)-GEELLE IYO ABIY.
(DJIBOUTI)-Dowladda Jabuuti ayaa si cad u diiday codsi ey dowladda Itoobiya kaga dalbatay in laga siiyo Xeebaha Jabuuti marin Badeed iyo Deked u gaar ah. Sida uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Itoobiya ayaa dhawaan Jabuuti u dirtay wafdi wata codsi ey ku doonayso in marin badeed laga siiyo dhul Xeebeedka Jabuuti gaar ahaan dekedda Tojora, halkaas oo ey sidoo kale dooneyso iney ka dhisato Saldhig Ciidan Badeed arrintaasi oo uu Geelle ku tilmaamay mid dhaawacaysa Madax-bannaanida dalkiisa. Geelle wuxuu sheegay in Jabuuti horey ugu soo bandhigtay Itoobiya iskaashi dhinaca horumarka dhaqaalaha ah iyo adeegsiga dekedaha, balse codsiga Itoobiya ee ah in la siiyo dhul ey u Madax-bannaan tahay uu ayaa ah mid xad-dhaaf ah, sidaas darteedna aan la aqbali karin. "Itoobiyaanku waxay noo soo direen wafdi wata codsi aanan aqbali karin, kaasoo ah in la siiyo dhul ey u Madax-bannaan tahay oo u dhexeeya xadka iyo dekedda Tojora, si ey halkaas uga samaystaan Saldhig Ciidan oo badeed," ayuu ku yiri Madaxweyne Geelle waraysi uu siiyey Jeune Afrique. "Taasi ma ahayn wax aan horey ugu heshiinnay, sidaas darteedna arrintaa gebi ahaanba waan xirnay." Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn tan iyo markii Eriteriya ey ka go’day sanadkii 1993. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo xilka qabtay sanadkii 2018, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu u baahan yahay marin toos ah oo uu badda kaga gaaro. Hadalkan ayaa walaac xooggan ka abuuray waddamada deriska la ah Itoobiya, sida Soomaaliya iyo Eriteriya. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in xaaladdu hadda degan tahay, taasoo uu tilmaamay iney sabab u tahay dhexdhexaadin uu Turkigu sameeyay, ka dib markii ey cirka isku shareertay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii ey wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland oo ey Muqdisho ka carootay. Geelle wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ey si xor ah u isticmaali karto dekedaha Muqdisho, Berbera, Jabuuti iyo Casab, islamarkaana eysan muhiim ahayn iney si gaar ah u maamusho dekedahaas, maadaama ey adeegsan karto iyada oo aanay faragelin Madax-bannaanida dalalka leh. "Waxaan qabaa in Abiy Axmed uu fahmay in aanu sheegashadiisa ku gaari karin xoog," ayuu yiri Geelle."Itoobiya waxay si nabad ah u isticmaali kartaa dekedaha Casab, Jabuuti, Berbera iyo Muqdisho iyadoo aan waxyeelayn Madax-bannaanida waddamada jaarkeeda." "Dhexdhexaadinta uu Turkigu sameeyay waxay ka ciyaartay door wanaagsan xaaladda. Anaguna waxaan si toos ah ugu sheegnay Addis Ababa in Jabuuti eysan ahayn Crimea," ayuu yidhi Geelle, isaga oo ula jeeda in Itoobiya aysan awood u lahayn inay Jabuuti ku qabsato xoog, sida uu Ruushku gobolka Crimea uga qabsaday Ukraine sanadkii 2014. Itoobiya oo sannadihii u dambeeyay ku jirtay dadaallo ey ku raadineyso marin badeed, ayaa bilowday iney dhisto ciidan badeed oo xooggan. Waxay soo iibsatay Maraakiib dagaal iyo Doonyo, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loo furo xarun weyn oo ciidanka badda Itoobiya ey ku yeelan doonaan magaalada Addis Ababa. Itoobiya waxay dhismaha ciidankeeda badda kala kaashanaysaa dowladda Ruushka, waxayna aaminsan tahay iney lagama maarmaan u tahay iney Saldhig Ciidan ka hesho Badda Cas ama Gacanka Cadmeed arrintaasi oo ey u aragto iney kor u qaadi karto awooddeeda iyo saameynteeda gobolka.
ISHA-HIIRAAN ONLINE.