DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KA MAARANTAY KOOXDA C6+.

(SAWIRKA)-WSIIR CALI BALCAD.

(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in kaalintii Madasha Beesha Caalamka ee C6+ ey hadda soo gebogabowday, iyada oo dowladda ey sheegtay in mas’uuliyadda hoggaaminta siyaasadda dalka ey si buuxda u leedahay.

WAA MAXAY MADASHA C6+?

Madasha C6+ waxay ahayd hab iskaashi ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha waa-weyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, iyo UK. Madashan waxay kaalin muuqata ku lahayd taageerada dib u dhiska Hay’adaha Dowladda, Horumarinta Dimuqraadiyadda, iyo kormeerka geeddi-socodka siyaasadeed.

Laakiin hadda, dowladda Soomaaliya waxay ku doodaysaa in dalka uu marayo marxalad cusub oo lagu tiirsan yahay Hay’adaha maxalliga ah, lana dardargelinayo Madax-bannaanida siyaasadeed iyo mas’uuliyadeed.

MAXAA SABABAY GO’AANKA?

Warqadda loo diray Beesha oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) oo lagu socod siiyay, Ergayga Qaramadda Midoobe James Swan, ayaa lagu sheegay in la gaaray waqtigii lagu adkaysan lahaa Madax-bannaanida dalka, iyadoo loo gudbayo nidaam dowladnimo oo si buuxda uga shaqaynaya gudaha. Dowladda ayaa sidoo kale xustay in doorka beesha caalamka uusan ahayn mid joogto ah, balse uu ahaa mid ku meel gaar ah. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, Khilaafaad siyaasadeed, iyo mid dhaqaale iyadoo doorashooyin cusubna lagu wado iney dhacaan sanadka 2026.

MAXAY KA YIRAAHDEEN DANEEYAYAASHA CAALAMKA?

Inkasta oo aan si rasmi ah loo helin jawaabta beesha caalamka ee Mowqifka Dowladda, haddana diblomaasiyiin iyo saraakiil hore ayaa sheegaya in wada-shaqayntu aanay gabi ahaanba dhammaan doonin. Balse laga yaabo iney is-bedel ku keento qaabka loo wajahayo taageerada Soomaaliya. Tani waxay noqon kartaa bilow cusub oo dowladda Soomaaliya ey doonayso iney kusoo ceshato kalsoonida dadkeeda iyo go’aan qaadasho Madax-bannaan oo ey ku wajahdo mustaqbalka siyaasadeed. Sida ey qabaan Qubaro kale oo Siyaasadeed. Go’aanka dowladda wuxuu noqon karaa mid muujinaya is-aamin iyo kalsooni siyaasadeed, balse wuxuu sidoo kale xambaarsan yahay su’aalo badan oo ku saabsan diyaar-garowga Hay’adaha maxalliga ah, doorka beesha caalamka ee cusub, iyo sida looga hortagi doono caqabadaha jira. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogayn sida uu go’aanka uu dhaqan geli doono, xili weli taageeradda ugu badan ee Soomaaliya ey ku tiirsan tahay Madasha Beesha Caalamka ee loo soo gaabiyo C6+.

ISHA-GOOBJOOG.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO BURBURISAY KOOXDA C6+.

Next
Next

HAYADDA QM U QAABILSAN QAXOOTIGA EE UNHCR OO KA…