SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KA HESHIIYEY DHINACA FIISAHA.
(SAWIRKA)-WAFDIGII MW-XASAN SHEEKH OO QAABILAY XUKUMADA LIIBIYA.
(TRIPLOI)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee dalka Liibiya Md.C/xamiid AL-Dabeybah ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigiisa uu hogaaminaayo,iyadoo kulanka looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Liibiyaiyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh. Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Midnimo Qaran ayaa sheegay in intii uu socday kulankaasi lagu kala saxiixday heshiisyo dhawr ah oo ey ka mid yihiin heshiis ku saabsan Cafis dal ku gal in dadka sita Baasaboorka Diblomaasiga,gaarka ah iyo midka adeega fiisaha dal ku galka Liibiya uu u yahay Lacag La’aan,waxaa la isla meel dhigay isafgarad ku saabsan wada tashi siyaasadeed oo dhexmara Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee labada dal Soomaaliya iyo Liibiya iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Mideynta Mawqifyada labada dal,sidoo kale waxaa heshiis wada shaqeyn ah kala saxiixday Dawladda Hoose ee labada dal Muqdiso iyo Triploi si kor loogu qaado iskaashiga dhinacyada Maamulka Degaanka iyo Horumarinta Magaalooyinka. Waxaane la isku afgartay in la sameeyo gudi heer sare ah oo isku dhaf ah oo dib u eegis ku sameeyo heshiisyaddii hore loogana wada hadlo Maalgashiga Liibiya ee dalka Soomaaliya,kor u qaaidsta iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee labada dhinac. Intii uu socday wada hadalladda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Liibiya waxa ey ku nuux-nuuxsadeen muhimadda ey leedahay in si wadajir ah la isaga kaashado Arrimaha Gobolka,gaar ahaan Gobolka Geeska Afrika,iyadoo la eegaayo Doorashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe taaso gacan ka geysaneysa taageeridda Amniga iyo Xasillinta Gobolka iyo kor u qaadida iskaashiga ka dhexeeyo Wadamada Gobolka.
ISHA-XAFIISKA RW.