SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KALA SAXIIXDAY…
(SAWIRKA)-SAXIIXA HESHIISKA LABADA DAWLADOOD.
(TRIPOLI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra'iisal Wasaaraha dalka Liibiya Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ey ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal iyo Iskaashiga Dhinacyada Tahriibka, Dhaqaalaha, Tamarta iyo Diblumaasiyadda. Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray Xaaladda Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Tahriibeyaasha ah, kuwaas oo duruufo adag ey ku qabsadeen dalka Liibiya, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya ey ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka Tahriibka iyo Daryeelka Muwaadiniinta. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha Wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhaqaale iyo Siyasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah. Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca Tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ey leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo Teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu Xoojinayo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ey Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ey khuseyso, si kor loogu qaado Iskaashiga Horumarinta Maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale iyo adeegyada bulshada.
ISHA-VILLA SOMALIA.