WASIIR FIQI OO DHIGIISA LIIBIYA KALA HADLAY…

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA LIIBIYA AL-TAHER.

(TRIPOLI)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Midnimada Qaran, Taher Salem Al-Baour, ayaa maanta oo shalay oo Axad ahayd kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda ee caasimadda Tripoli, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Faqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Libya, kaas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Liibiya Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, labada dhinac waxay ka wadahadleen intii uu socday kulanka shaqo rajada iskaashiga Liibiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal si looga shaqeeyo danaha guud ee labada dal ee walaalaha ah. Waxa ey sidoo kale ka wadahadleen horumarka ka socda dalalka Carabta iyo Afrika, waxaana la isku dhaafsaday Aragtiyo la xiriira caqabadaha ka jira Gobolka. Waxay intaas ku dartay in labada dhinac ey ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ey leedahay in la xoojiyo isku-dubbaridka iyo Wadatashiga Golayaasha heer Gobol iyo heer Caalami. Wasiir Axmed Fiqi , Wasiir Cali Xoosh iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir ayaa ka mid ah Xubnaha Wafdiga ballaaran ee la socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud oo hadda Booqashada ku jooga dalka Liibiya,ka dib markii uu Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh uu casuumad rasmi ah ka helay Masuuliyiinta Liibiya ee ka qeybgalay shirkii Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacay magaaladda Davos ee dalka Switzerland.

ISHA-LNA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KA HESHIIYEY DHINACA FIISAHA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KA HADLAY ISKAASHI…